Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo yeeshay kulan howleed

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo yeeshay kulan howleed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa  ka dhacay Muqdisho, kulanka oo looga dooday howlaha horutabinta u leh dhameeystirka dastuurka ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Shirka oo ka dhacay xarunta Aqalka Sare ee ay ku shaqeeyaan gudigga Baarlamaanka ayaa qodobada looga dooday waxaa kamid ahaa is-wareysi ku aadan howlaha u qabsoomay seddexda hay’ad iyo howlaha taagan ee u baahan in la qabto.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyay waxqabadka Wasaaradda ee bilihii la soo dhaafay, wuxuuna yiri:-“Sida aad la socotaan waxa aan kulamo-howleedyo la yeelanay in ku dhow 20 wasaarad oo katirsan XFS, kulamadaas oo lagu lafagurayay wasaarad walba doorka ay ku leedahay dhameeystirka dastuurka si loo helo aragti mideysan oo Dowladda Federaalka ku wajeheyso dhameeystirka dastuurka lagana hortago in hay’adaha dowladda isbar-baryaacaan si aanu dib-u-dhac ugu imaan dhameeystirka dastuurka”.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Senator Cabdiqaybdiid iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Gudigga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Marwo Muumino Sheekh ayaa si wadajir ah uga warbixiyay howlaha u qabsoomay iyaga oo sheegay in ay dhamaad ku dhowdahay qodobada dastuurka ee farsamo ahaan u baahan in la saxo.

Sidoo kale labada guddi waxa ay sheegeen iyaga oo fulinaya codsi ugu yimid Gudoonka Baarlamaanka in dhowaan marka uu furmo Kala-fadhiga Baarlamaanka ay horgeeyn doonaan warbixin soo koobeysa howlaha dib-u-eegista dastuurka, iyadoo ugu dambayn, seddexda hey’ad ayaa wax ay ku balameen in la joogteeyo wadashaqeynta lana kordhiyo kulamada la-tashiga dadweynaha si waqtigii loogu talagalay loogu dhameeystiro dastuurka.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Shirka IGAD oo Khartuum lagu soo gaba-gabeeyay

Next Post
Shirka IGAD oo  Khartuum lagu soo gaba-gabeeyay

Shirka IGAD oo Khartuum lagu soo gaba-gabeeyay

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In