Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 month ago
in Wararka
0
Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu soo gabagabeeyay hawlaha dayactirka iyo dib-u-habaynta Xarunta Cumar Bin Khaddaab ee Daryeelka Agoonta. Hawshan ayaa qayb ka ah mashruuca Dayactirka iyo Taageerada Xarumaha Daryeelka Agoonta iyo Awood-siinta Dhaqaale ee Qoysaskooda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mashruucan waxaa maalgelinaya Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimo, waxaana fulinaya Mu’assasada Mahaasin ee Horumarinta iyo Waxbarashada.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Munaasabadda waxaa ka qayb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Baay ee Arrimaha Samafalka, Mudane Aadan Xasan Maxamed, Mudane Maxamed Yaasiin Cabdu-Waaxid oo ah Guddoomiye iyo Maamule ka tirsan xarunta agoonta, iyo masuuliyiin kale.

Intii ay munaasabadda socotay, carruurta agoonta ah ayaa loo qaybiyay boorsooyin waxbarasho oo ay ku jiraan agabka iyo qalabka waxbarashada. Sidoo kale, ardayda ayaa la guddoonsiiyay dharka iskuulka, taas oo qayb ka ah taageerada waxbarashada iyo abuurista jawi ku habboon waxbarashada carruurta ka faa’iideysanaysa mashruuca.

Mashruucu wuxuu ujeedkiisu yahay wax ka qabashada caqabadaha nololeed iyo waxbarasho ee haysta carruurta agoonta ah iyo qoysaskooda, iyadoo la hagaajinayo deegaanka ay ku nool yihiin kuna wax bartaan, lana siinayo xarumo ammaan ah oo si wanaagsan loo diyaariyay. Sidoo kale, mashruucu wuxuu xoojinayaa awoodda dhaqaale ee qoysaskooda.

Mashruucu wuxuu ka kooban yahay dib-u-habaynta iyo qalabaynta afar xarumood oo daryeelka agoonta ah, kuwaas oo ku kala yaalla Dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, iyo Gobolka Banaadir.

Hawlaha mashruuca waxaa ka mid ah dayactirka xarumaha iyo adeegyada aasaasiga ah, dib-u-habaynta iyo qalabaynta jikada, bixinta qalabka badbaadada iyo dab-demiska, diyaarinta cuntada maalinlaha ah, iyo qalabaynta qolalka jiifka oo lagu diyaarinayo furaashyo iyo sariiro ku habboon.

Mashruucan waxaa ka faa’iideystay 905 carruur ah oo agoon ah, iyadoo sidoo kale taageero dhaqaale la siinayo 200 hooyo oo mas’uul ka ah qoysaska agoonta ah.

Hooyooyinkan waxaa la siinayaa tababarro ku saabsan xirfadaha aasaasiga ah ee tolidda dharka, waxaana lagu qalabeynayaa mashiinnada dharka lagu tolo iyo agabkooda, si ay u helaan xirfad iyo il dhaqaale oo ka caawisa daryeelka iyo masruufka qoysaskooda.

Mashruucani wuxuu qayb ka yahay dadaallada bani’aadannimo iyo horumarineed ee lagu taageerayo dadka iyo qoysaska aadka ugu baahan gargaarka ee Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta daryeelka, waxbarashada iyo badbaadada carruurta agoonta ah, iyo sidoo kale xoojinta isku-filnaanshaha dhaqaale ee qoysaskooda.





Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Next Post

Minister of Information Closes the Second Somali Strategic Communication Forum 2026

Next Post
Minister of Information Closes the Second Somali Strategic Communication Forum 2026

Minister of Information Closes the Second Somali Strategic Communication Forum 2026

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In