Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday in loo gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 22, 2016
in Wararka
0
Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dad ay biyo la’aan haysato
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ay hy’adda culimada Soomaaliyeed ay ku yeesheen Muqdisho ayaa waxa ay uga hadleen  abaaraha ku dhuftay  gobollada dalka Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeesheen  nolosha dadka  iyo duunyada, iyagoo  ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed,  Dowladda Federaalka Soomaaliya  iyo hay’adaha samafalka in ay  ka qeyb qaataan gurmadka loo sameynaya abaaraha  ka jira  dalka  Soomaaliya.

kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay culimada Soomaaliyeed, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale ee lagu casuumay kulankaasi, waxaana intii uu socday  kulanka  diiradda lagu saaray sida ugu haboon ee looga  qeyb qaadan karo gurmadla loo sameynaya dadka iyo duunyada ku nool gobollada ay ku dhufatay abaaraha.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda culimada Soomaaliyeed  Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo isna ka hadlay ayaa  ku booriyay Umadaha muslimiinta iyo hay’adaha gargaarka inay  soo caawiyaan  dadka walaalahooda ah ee ay saameysay abaarta ka jirta gobollada dalka

Gudoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlay kulanka ayaa  ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, ganacsatada  iyo dowladda Soomaaliya inay  ka qeyb qaatan gurmadka loo sameynayo dadka iyo duunyada  ay saameeyeen abaaraha ka jira  dalka.

“Deegaanada  Ummadda Soomaaliyeed waxaa ka jira abaaro baahsan haba u darnaato Somaliland, waxeyna ku soo aadeen abaarahaasi waqti ay jirto xaalad siyaasadeed iyo xaalad amni oo aan deganeyn, sidaa darteed hay’adda  culimada Soomaaliyeed waxey soo jeedineysaa baaqan soo socda in ilaahey loo towbad keeno, Subxanahu Watacaalaa Leysuna celsho xuquuqda aadanuhu kala haystaan, istiqfaartuna la badiyo, waayo musiibooyinka waxaa keena dunuubta iyo macaasida, mida labaad waxaan ugu baaqeynaa dowladda dhexe iyo dhamaan maamul goboleedyada dalka in ay  laba jibaaraan wax ka qabashada abaaraha iyo taakuleynta daka baahan” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

2011kii ayey aheyd markii abaaro nuucaani oo kale ay ku dhufatay qaar ka mid ah gobolada dalka, taasoo waxyeleysay dadka iyo duunyada.

 

Previous Post

Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii ka dhacay Brussels

Next Post

Madaxweynaha oo cambaareeyay weeraradii argagixiso ee ka dhacay magaalada Brussels

Next Post
Madaxweynaha oo cambaareeyay weeraradii argagixiso ee ka dhacay magaalada Brussels

Madaxweynaha oo cambaareeyay weeraradii argagixiso ee ka dhacay magaalada Brussels

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In