Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda culimada Soomaaliyeed: “Shaabab waa niman diinta Islaamka lidi ku ah” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Hay’adda culimada Soomaaliyeed: “Shaabab waa niman diinta Islaamka lidi ku ah” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan  jaraaid oo ay si wadajir ah ugu qabteen Hoteelka Siyaad oo xalay ay weerar argagixiso ah ku qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab guddoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Afhayeenka Hay’adaasi Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo Janaraal Yuusuf Maxamaed Siyaad “Indha cade” yay kaga hadleen sifaha ay u dagaalamayaan argagixisada Al-Shabaab

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Afhayeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in fikirka khawaarijta Shabaab uu yahay feker ka duwan Diinteena suuban ee Islaamka, waxaana u shacaka ugu baaqay inay hal meel uga soo wada jeestaan.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

“Dad saa’imiin ah oo maanta soonaa oo afurayey xilligii baryada ilaahay aqbalayey ilaahaygii maanta u suuragaliyey ay u mahadnaqayeen xilligaa in la beegsadoo wa arrin horta Islaamku bari ka yahay, waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa dhaqanka Shabaab aan ku aragno uusan ahayn mid Islaam uu yahay dhaqanka khawaarijta kuwii Nabigeena Muxamed (N.N.K.H) aflagaadeeyey inuu yahay marka, waa niman aan aqli lahayn, cilmina lahayn fahankii diintana si qaloocana u galay, waxaan hubaa in nimaankaas la yiri janada ka afuraysaan  marka waxan filayaa maanta in ay ogyihiin intii is qarxisay  inay jano ka afurayn oo ay naar ka afurayn”

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, intii wax ku noqotay weerarkii xalay, isagoo xusay in ujeedka argagixisada ah Al-Shabaab ay tahay in ay ka been sheegaan diinta Islaamka.

“Masaajidkii lagu aamaan heli lahaa, Salaadii lagu amaan heli lahaa, dhamamaan munaasabadihii Alle uu jeclaa  oo amaanka sugnaanta iyo  dartiibta loogu talagalay nimanka argagax iyo cabsida  ku badalaya, waa niman diinta Islaamka lid-ku ah shareecada lid ku ah runtii nimaankaas nasiib xumo ayaa haysata, waxkasta oo wanaag ah laguna galayo janada ilaahay masaajida ilaahay dadka dukanayey in la tageero kuwa cabsi galinaya waaye”

Dhanka kale Jenaraal Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha cade” ayaa tilmaamay in weeraradii xalay ay ahaayeen kuwa laga soo abaabulay guryo ku yaalla Muqdisho, shacabkana looga fadhiyo inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan Al-Shabaab.

Jawaahir Baarqab Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir oo iyana goobta hadal kooban ka jeedisay ayaa hooyooyinka Soomaaliyeed ka codsatay inay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa carruurta ay qaldayaan Al-Shabaab.

DSC04502 DSC04504 DSC04506 DSC04507 DSC04511 DSC04512 DSC04514 DSC04515  DSC04517 DSC04519 DSC04522 DSC04523  DSC04526 DSC04532 DSC04534 DSC04535 DSC04536 DSC04537 DSC04538

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

 

 

Previous Post

Hay’ad samafal oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku nool Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post

DAAWO sawirada hotelka siyaad oo Maleeshiyada shabaab weerareen xalay.

Next Post
Hay’adda culimada Soomaaliyeed: “Shaabab waa niman diinta Islaamka lidi ku ah” SAWIRRO

DAAWO sawirada hotelka siyaad oo Maleeshiyada shabaab weerareen xalay.

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In