Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda IMF” Guusha kobacinta dhaqaalaha ee XFS wuxuu horseedayaa qorshaha deyn cafiska”

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Hay’adda IMF” Guusha kobacinta dhaqaalaha ee XFS wuxuu horseedayaa qorshaha deyn cafiska”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War qoraal ah oo ay soo saartay Hay’’dda lacagta Adduunka ee (IMF) ayaa looga hadlay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto horumarinta dhaqaalaha dalka iyo dhabaha geedi socodka deyn cafiska Soomaaliya.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

IMF waxaa ay sheegtay in la soo geba gebeeyey dib u eegistii ugu horeysay ee ku aadan hanaan dhanka la socodka maaliyadda oo ka dhaxeeya Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF iyo DFS,kaasi oo ka saacidaya Dowladda Soomaaliya dib u dhiska kaabayaashii dhaqaalaha ee dalka,dib u habyn siyaasdeed hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,si loo abuuro degnaansho dhaqaale guud ahaan dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu ammaanay guulaha muhiimka ah oo ay k agaartay horumarinta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,kobaca daqliga soo gaal dowladda,taasi oo ku timid dadaalkii wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay u gashey sidii muwadiniintu loogu buraarujin lahaa ahmiyadda ay leedahay bixinta canshuuraha,waxaana hay’adda (IMF) ay xustay in sanadkan 2019 uu jiro horumaro ballaaran oo dowladdu ay ka gaartay xagga daqliga.

Arrintan ayaa lagu sheegay in ay ku timid go’aan dhab ah oo ay latimid dowladda Soomaaliya,iyadoo muujisay in barnaamijkaasi si dhab ah loo hirgeliyo,lana sii joogteeyo,inkastoo lagu xusay in caqabado ay iska jiraan.

‘’Dhaqaalaha Soomaaliya waa uu sii kordhayaa,dib ayuuna u soo kabanayaa,balse waxaa loo baahanyahay in la sii xoojiyo dadaalka loogu jiro kobcinta dhaqaalaha,si loo yareeyo faqriga iyo gaajada,ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Hay’dda IMF Warbixinta ay soo saartay ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay  sheegay in Data lasoo bandhigay November 2018 ay muujisay in dakhliga gudaha dalka laga soo aruuriyay uu gaaray $161 million, oo ka dhigaysa in 31% uu ka badnaa sannadkii hore ee 2017.

barnaamijka SMP waa hanaan dhanka la socodka maaliyada oo ka dhaxeeya Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF iyo dowladda Soomaaliya,gaar ahaan wasaaradda maaliyadda Xukuumada Somaaliya,waxaana warbixinta lagu sheegay in guulahaasi ay ku yimaadeen qaadista canshuuraah gudaha ee dalka.

Hay’adaha dhaqaalaha adduunka iyo kuwa gar gaarka ayaa Soomaaliya ka caawinaya sidii ay u gaari lahayd isku filnaasho,yerenta faqriga,shaqo abuur loo sameeyo bulshada.

Dadaaladan ay waddo dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay warbixinta in ay horseedayaan in ugu dambeyn deymaha laga cafiyo Soomaaliya,si ay u gaarto heer isku filnaashiyo ah.

Qorshayaasha ay waddo wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya waxaa kamid ah sidii loo soo daabici lahaa lacago cusub oo ay Soomaaliya leedahay,taasi oo ku imaankarta in lagu guuleysto hanashada taageerada hay’adaha dhaqaale ee caalamiga ah,kuwaasi oo haatan garab istaagan Soomaaliya.

Previous Post

Government and People of Somalia congratulate President MBuhari on his re-election

Next Post

Duqa Muqdisho oo daah furay Mashruuc lagu tababarayo 400 oo dhalinyaro ah

Next Post
Duqa Muqdisho oo daah furay Mashruuc lagu tababarayo 400 oo dhalinyaro ah

Duqa Muqdisho oo daah furay Mashruuc lagu tababarayo 400 oo dhalinyaro ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In