Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo daah furtay Adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo daah furtay Adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) oo mdadda dheer kasoo shaqeneysay hirgelinta adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta, ayaa xalay ka daah furtay munaasabad lagu qabtay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo uu daahfuray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madax ka tirsan dowladda Federaalka oo uu ugu horreeyay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Bare, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Jaamac Xasan Khaliif, xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo masuuliyiin ka socday dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta iyo bankiyada dalka.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

August 23, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa ka hadlay marxaladihii loo soo maray hirgalinta adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta isagoo sheegay in tan iyo markii la aasaasay Hay’adda la isku dayay dhowr jeer in la soo gabagabeeyo hirgelinta adeeggan, balse khibradihii shirkadaha ay arrinkan hore ugula kulmeen ay dib u dhigtay.

Sidookale Maareeyaha, ayaa hadalkiisa sii raaciyey ahmiyadda uu hirgelinta adeeggan Isku-xirka uu waddanka u leeyahay.

“Hirgelinta adeegga Isku-xirka wuxuu horseedi doonaa wanaajinta adeegyada Shirkadaha Shatiga Isgaarsiinta leh ay siiyaan macaamiisha iyo horumarinta kaabayaasha Isgaarsiinta Soomaaliya. Marka laga soo tago adeegga Isku-xirka in uu yahay baahi iyo xaq uu macmiilku leeyahay, waxa uu sidookale halbeeg muhiim ah u yahay kobaca suuqa isgaarsiinta iyo maalgashiga teknoolojiyadda iyo hal-abuurka.” Ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane. Mustafa Yaasiin Sheekh.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Md. Jaamac Xasan Khaliif oo goobta isagana ka hadlay ayaa ku sifeeyay hirgelinta adeeggan in ay tahay guul Soomaaliyeed

“Dadaal dheer kaddib waxaa inoo suuragalay inaannu ku guuleysanno hirgelinta adeegga Isku-xirka, guushaan waa mid aannu wada leennahay, waa guul Soomaaliyeed, waa guul qaran” ayuu yiri Wasiirka.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa aad u bogaadiyey kaalintii ay hey’adda Isgaarsiinta Qaran iyo Shirkadaha Isgaarsiintu ku lahaayeen hirgelinta adeegga Isku-xirka Shirkadaha wuxuuna sheegay in Hirgelinta adeeggan uu yahay sharci waddan oo la fuliyey iyo xuquuq shacab oo la siiyay.

Ugu dambeyn, si adeeggan Isku-xirku looga dhigo mid guulaysta, waxaa dammaanad-qaadday hirgelintiisa Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo fulineysa dhammaan shuruucda iyo xeer-nidaamiyeyaasha khuseeya arrintan. Ujeeddada laga leeyahay adeeggan waa sidii shacabka loogu fududeyn lahaa adeegyada isgaarsiinta dalka, loona dhiirrigelin lahaa tartan ku dhisan adeeg iyo qancin macaamiil. Hirgelinta Adeegga Isku-xirka waxay guul u tahay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Shirkadaha Isgaarsiinta iyo guud ahaan dalka oo dhan.






Previous Post

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Hay’adda UNHCR 

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Qorsheynta Qaranka 

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Qorsheynta Qaranka 

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Qorsheynta Qaranka 

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xaflad sagootin ah loogu sameeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta, oo tababar...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire...

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), Sarreeye Gaas Maxamed bin Saciid Al-Moghidi, iyo Agaasimaha...

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In