Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay Aqoon Isweydaarsi muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay Aqoon Isweydaarsi muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashaneysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa qabatay aqoon-isweydaarsi diiradda lagu saarayo xeernidaamiyeyaasha tartanka suuqa isgaarsiinta iyo xargaha fiberka badda.

Aqoon-isweydaarsigan, oo ka socon doona labo maalmood magaalada Nairobi, ayaa la isugu keenay daneeyayaasha muhiimka ah ee qaybta Isgaarsiinta Soomaaliya, oo ay ku jiraan shirkadaha Isgaarsiinta, khubarro, madax iyo saraakiil ka tirsan dowladda, si ay uga wada hadlaan qaab-dhismeedka xeer-nidaamiyayaal qaabeyn doona mustaqbalka kaabayaasha dhijitaalka ah ee Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Aqoon-isweydaarsigu, oo qayb ka ah qorshaha istiraatiijiyadeed ee HIQ ee kor u qaadida isku-xirnaanta Qaranka, ayaa waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah sida shatiyeynta soo degista xargaha badda hoosteeda, tixgelinta saamaynta deegaanka, wadaagga kaabayaasha iyo dhiirrigelinta tartanka qaybta isgaarsiinta. Xeer-nidaamiyayaashan ayaa ujeedkoodu yahay in la waafajiyo qaab-dhismeedka isgaarsiinta Soomaaliya heerarka caalamiga ah, taasoo taageeraysa yoolalka horumarinta dhaqaalaha Qaranka.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo furay aqoon-isweydaarsiga, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay aqoon-isweydaarsiga, isagoo xusay sida shirkadaha gaarka loo leeyahay ay uga qayb qaateen soo kabashada iyo koritaanka dhaqaale ee dalka.

Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashiga ka dhexeeya hay’adda iyo daneeyayaasha Isgaarsiinta intii uu socday hadalladiisa la xiriira aqoonsi-waydaarsiga.

Previous Post

Duqa Gaalkacyo oo qaabilay Madax ka socotay Hay’adda IOM

Next Post

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka Batroolka

Next Post
Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka Batroolka

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka Batroolka

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In