Tuesday, April 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda NISA oo howlagal Qorsheesan ku khaarijisay Lix horjooge oo khawaarijta ka tirsanaa

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Hay’adda NISA oo howlagal Qorsheesan ku khaarijisay Lix horjooge oo khawaarijta ka tirsanaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hawlgal ay iska kaashadeen hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka iyo Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya oo laga fuliyay deegaanka Buq-aqable ee gobalka Hiiraan, ayaa lagu dilay 6 horjooge oo muddo dheer ku hawlanaa Uruurin baadda shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA oo kaashanaysa Saaxiibada Caalamiga ah, ayaa deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan ka fulisay howlgal lagu bartilmaameed saday Horjoogeyaal ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo la beegsaday xilli ay ku Saraayeen labo Gaari kaddib markii ay tababar ku dhammaysteen deegaanka Buq-aqable.

Related posts

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

April 7, 2026
Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

April 7, 2026

Hawlgalkan oo la fuliyay 28-kii bishan Janaayo ayaa lagu guulaystay in lagu soo Afjaro horjoogeyaal lagu raad joogay,kuwaas oo muddo dheer ku hawlanaa dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed, waxa ayna magacyadoodu kala yihiin:-

1- Cismaan Cali Cabdi (Caanooy) oo ahaa Horjoogihii Baadda shacabka u qaabilsanaa Khawaarijta Degmada Jalalaqsi.

2- Buulle Kabey oo ahaa Horjoogihii Gaadiidka Khawaarijta ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

3- Maxamed Abuukar oo ahaa Horjoogihii Baadda Shacabka ee Deegaanka Ceel-Cali Gobolka Hiiraan.

4-Cabdisalaan oo ahaa horjoogihii Baadda shacabka ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

5- Macalin Yaasir oo sidoo kale loogu yeero Saabir oo boono-jare ka ahaa Isbaarada Khawaarijta u taalo deegaanka Shaw ee Gobolka Hiiraan.

6- Macalin Aadan Fanax waxa uu ahaa xubin ka tirsan qaybaha baadda iyo boobka dhaqaalaha Shacabke ee Khawaarijta.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa markasta ka go’an in ay meel kasta ku beegsato cadawga Khawaarijta ah ee ku hawlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Guddoomiye Sacdiyo oo Shir guddoomisay kulanka Guud ee Golaha Shacabka BJFS

Next Post

Gaadiidka gurmadka degdega ah oo lagu wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug “SAWIRRO”

Next Post
Gaadiidka gurmadka degdega ah oo lagu wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug “SAWIRRO”

Gaadiidka gurmadka degdega ah oo lagu wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug "SAWIRRO"

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Maamulka Degmada, ahna Duqa magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku...

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

April 7, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaan...

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, visited the headquarters of Sector 3...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In