Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda NISA oo shaacisay Horjoogeyaal ka mid ahaa Khawaarijta oo lagu dilay hawgalladii ugu dambeeyey

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
Hay’adda NISA oo shaacisay Horjoogeyaal ka mid ahaa Khawaarijta oo lagu dilay hawgalladii ugu dambeeyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay magacyada iyo Sawirada qaar ka mid ah horjoogeyaashii Khawaarijta ee lagu laayay hawlgalladii ugu dambeeyay oo ay fuliyeen ciidanka Qaranka, geesiyaasha deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka.

Sirdoonka Soomaaliya waxa uu si dhaw ula socday dhaq-dhaqaaqyada iyo xogta horjoogeyaasha hadda la dilay iyo kuwa kale ee wali baxsadka ah kuna dhuumaalaysanaya dhulka hawdka ah.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Xogta horjoogeyaasha la dilay:-

  1. Horjooge Sheekh Cabdullaahi waxa uu horjooge u ahaa maleeshiyaad Khawaarij ah oo loogu talagalay in ay dadka ku dhibaateeyaan deegaanka Number 50 ilaa iyo deegaanka Buufow ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

2. Horjooge Cali Timajilic waxa uu ahaa horjoogaha Caafimaadka ee Maleeshiyaadka Khawaarijta qaybta loogu yeero Jaylaani oo ka hawlgasha Gobalka Shabeellaha Hoose, Ninkan waxa uu Khawaarijta ku biiray 2012-kii, wixii ka dambeeyay 2017-kii ilaa iyo markii la khaarijiyay waxa uu ka hawlgalayay Shabeellaha Hoose. Waxaana lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

3. Horjooge Bashiir Dheere waxa uu ahaa horjoogaha Khawaarijta ka hawlgasha aagga Buula-mareer waxa uuna si gaar ah u hogaaminayay Maleeshiyaadka ay ugu yeeraan qaybta Macalin Salaxay, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

4. Horjooge Cabdiqafaar oo loo yaqaano macalin Nadaara waxaa uu Khawaarijta ku biiray 2009 waxa uu qayb ka soo ahaa Jamhadaha Muqdisho gaar ahaan qaybta dilalka, ka dib waxaa lagu daray qaybta ay ugu yeeraan jugta culus ee weerarada qaada, hadda waxa uu ahaa Horjooge xagga marin habaabinta u qaabilsanaa khawaarijta ku sugan Gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

5. Horjooge Shaaciye Maxamed Cali oo loogu yeeri jiray Kufridiid, waxa uu ahaa horjooge dhinaca waxyaabaha qarxa ah oo ka hawlgala gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

5. Sakariye Maxamed Bashiir oo loo yaqaanay cadnaan ama Sandheere, 2011-kii ayuu Khawaarijta uga biiray Muqdisho waxa uu inta badan kasoo shaqeyay qaybta ay ugu yeeraan jugta culus, jagooyinka uu soo qabtay Horjoogahan waxaa ka mid ah waxa ay ugu yeeraan khanaasinta, sidoo kale waxa uu soo noqday Horjoogaha Diiwaanka Jugta culus ee Gobalka Shabeellaha Hoose, haddana waxa uu ahaa ku xigeenka horjoogaha qaraxyada Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

6. Horjooge Axmed Cali Daahir Shuuke, waa nin muddo dheer ku soo jiray Khawaarijta hawlo kala duwanna ka soo qabtay laakiin hadda waxa uu qayb ka ahaa horjoogeyaal loo xilsaaray in ay kiciyaan bulshada si ay Khawaarijtu u helaan dhallinyaro kale oo ay dabka ku shubaan, waxaana lagu dilay horjoogahan hawlgal ka dhacay meel u dhow deegaanka Bulacle ee gobalka Galgaduud.

 

Previous Post

Taliyaha guutada 14ka October oo tartan isboorti u furay dhallinyarada Awdheegle “SAWIRRO”

Next Post

Degaannada Galmudug ee dhawaan laga saaray khawaarijta oo laga hir gelinaya adeegyo bulsho

Next Post
Degaannada Galmudug ee dhawaan laga saaray khawaarijta oo laga hir gelinaya adeegyo bulsho

Degaannada Galmudug ee dhawaan laga saaray khawaarijta oo laga hir gelinaya adeegyo bulsho

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In