Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda NISA oo shaacisay Horjoogeyaal ka mid ahaa Khawaarijta oo lagu dilay hawgalladii ugu dambeeyey

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
Hay’adda NISA oo shaacisay Horjoogeyaal ka mid ahaa Khawaarijta oo lagu dilay hawgalladii ugu dambeeyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay magacyada iyo Sawirada qaar ka mid ah horjoogeyaashii Khawaarijta ee lagu laayay hawlgalladii ugu dambeeyay oo ay fuliyeen ciidanka Qaranka, geesiyaasha deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka.

Sirdoonka Soomaaliya waxa uu si dhaw ula socday dhaq-dhaqaaqyada iyo xogta horjoogeyaasha hadda la dilay iyo kuwa kale ee wali baxsadka ah kuna dhuumaalaysanaya dhulka hawdka ah.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Xogta horjoogeyaasha la dilay:-

  1. Horjooge Sheekh Cabdullaahi waxa uu horjooge u ahaa maleeshiyaad Khawaarij ah oo loogu talagalay in ay dadka ku dhibaateeyaan deegaanka Number 50 ilaa iyo deegaanka Buufow ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

2. Horjooge Cali Timajilic waxa uu ahaa horjoogaha Caafimaadka ee Maleeshiyaadka Khawaarijta qaybta loogu yeero Jaylaani oo ka hawlgasha Gobalka Shabeellaha Hoose, Ninkan waxa uu Khawaarijta ku biiray 2012-kii, wixii ka dambeeyay 2017-kii ilaa iyo markii la khaarijiyay waxa uu ka hawlgalayay Shabeellaha Hoose. Waxaana lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

3. Horjooge Bashiir Dheere waxa uu ahaa horjoogaha Khawaarijta ka hawlgasha aagga Buula-mareer waxa uuna si gaar ah u hogaaminayay Maleeshiyaadka ay ugu yeeraan qaybta Macalin Salaxay, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

4. Horjooge Cabdiqafaar oo loo yaqaano macalin Nadaara waxaa uu Khawaarijta ku biiray 2009 waxa uu qayb ka soo ahaa Jamhadaha Muqdisho gaar ahaan qaybta dilalka, ka dib waxaa lagu daray qaybta ay ugu yeeraan jugta culus ee weerarada qaada, hadda waxa uu ahaa Horjooge xagga marin habaabinta u qaabilsanaa khawaarijta ku sugan Gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

5. Horjooge Shaaciye Maxamed Cali oo loogu yeeri jiray Kufridiid, waxa uu ahaa horjooge dhinaca waxyaabaha qarxa ah oo ka hawlgala gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

5. Sakariye Maxamed Bashiir oo loo yaqaanay cadnaan ama Sandheere, 2011-kii ayuu Khawaarijta uga biiray Muqdisho waxa uu inta badan kasoo shaqeyay qaybta ay ugu yeeraan jugta culus, jagooyinka uu soo qabtay Horjoogahan waxaa ka mid ah waxa ay ugu yeeraan khanaasinta, sidoo kale waxa uu soo noqday Horjoogaha Diiwaanka Jugta culus ee Gobalka Shabeellaha Hoose, haddana waxa uu ahaa ku xigeenka horjoogaha qaraxyada Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

6. Horjooge Axmed Cali Daahir Shuuke, waa nin muddo dheer ku soo jiray Khawaarijta hawlo kala duwanna ka soo qabtay laakiin hadda waxa uu qayb ka ahaa horjoogeyaal loo xilsaaray in ay kiciyaan bulshada si ay Khawaarijtu u helaan dhallinyaro kale oo ay dabka ku shubaan, waxaana lagu dilay horjoogahan hawlgal ka dhacay meel u dhow deegaanka Bulacle ee gobalka Galgaduud.

Previous Post

Taliyaha guutada 14ka October oo tartan isboorti u furay dhallinyarada Awdheegle “SAWIRRO”

Next Post

Degaannada Galmudug ee dhawaan laga saaray khawaarijta oo laga hir gelinaya adeegyo bulsho

Next Post
Degaannada Galmudug ee dhawaan laga saaray khawaarijta oo laga hir gelinaya adeegyo bulsho

Degaannada Galmudug ee dhawaan laga saaray khawaarijta oo laga hir gelinaya adeegyo bulsho

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In