Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda NISA oo soo bandhigtay taargada gaariga ku qarxay Siinka dheer “SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Hay’adda NISA oo soo bandhigtay taargada gaariga ku qarxay Siinka dheer “SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa soo bandhigay taarko ku xirneyd gaari maanta ku qarxay agagaarka Siinka dheer, halkaasi oo ay ku dhinteen labo qof oo uu mid ka mid ah ahaa askarigii baarayay gaariga qaraxa waday iyo naftii halige ka tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegay in taargada ay soo bandhigeen ay tahay tii ay ku xirneyd gaariga ku qarxay Siinka dheer ee ay baaritaanka ku sameynayeen ciidamada Nabad sugidda.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Gaari Qaraxa laga soo buuxiyay ayey ku qabteen Ciidanka NISA agagaarka Siiinka dheer, wuxuuna qarxay gaariga intii uu baaritaanku socday, iyadoo uu ku dhintay hal Askari oo ka tirsan NISA, uuna ku dhaawacmay askari kale iyo ismiidaamiyihii gaariga qaraxa laga soo buuxiyay watay.

Ciidamada amniga ayaa habeen iyo maalin waxa ay u taaganyihiin inay ka hortagaan dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab, waxaana damaca dhagar qabaha isku qarxiyay gaariga uu ahaa in uu gumaado dad rayid ah, balse ciidanka NISA ayaa ka warhelay xogta ah in gaariga uu qarax ka buuxo.

received_1765486413773508 received_1765486397106843 received_1765486373773512 received_1765486303773519 received_1765486273773522

 

Previous Post

Wasaaradda Haweenka Soomaaliya oo sheegtay in horumar laga sameeyey tacadiyada ay la kulmi jireen Haweenka “SAWIRRO”

Next Post

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo wacyigelin u sameysay Soomaalida ku nool xaafadda Islii+Sawirro

Next Post
Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo wacyigelin u sameysay Soomaalida ku nool xaafadda Islii+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo wacyigelin u sameysay Soomaalida ku nool xaafadda Islii+Sawirro

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In