Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dalka oo sheegtay in dalxiisayaasha ay u fududeyneyso Fiisaha.

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dalka oo sheegtay in dalxiisayaasha ay u fududeyneyso Fiisaha.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, korneyl Maxamed Aaden Jimcaale (Koofi) oo ka qeybgalay munaasabadda abaal-marinta safarrada iyo dalxiiska oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafiinta Dhaqanka iyo dalxiiska Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la dib loo bilaabo dalxiiska dalka,taasine ay kaalin weyn ka qaadaneyso kobaca dhaqaale ee dalka.

Maxamed  Aaden Jimcaale (Koofi) ayaa  sheegay in hey’addu ay bilowday sanadkii 2017-kii talaabooyinka lagu  dhiirigelinayo dalxiiska Soomaaliya oo ay ka mid tahay  mideynta Socdaalka dalka iyo in dadka dalka soo galaya ee u imaanaya danaha kala duwan  in adeega fiisaha ay si fudud ku helaan,si gaar ahaan ay ka heli karaan Xuduudaha Dalka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay ka shaqeeyeen in Soomaaliya lasoo gaarsiiyo adeegyada caalamiga ah ee dal ku galka iyo waxyaabaha kale ee lagu hubiyo marka ay dalka soo galayaan.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Maxamed Aaden Jimcaale (Koofi) ayaa tilmaamay in ay diyaariyeen ilaa 25 bar-xuduudeed oo dalka lagaso galo,kuwaasi oo isugu jira Garoomo ,Dakado iyo xuduudo dhinaca dhulka ah iyo shaqaale loo tababaray in ay ka howgalaan goobahaasi.iyo sidoo kale  wacyigelin la siiyay wakiilada duulimaadyada si loo  hagaajiyo socdaalka dalka.

Agaasimaha ayaa hoosta ka xariiqay in dalku u baahanyahay in laga wada shaqeeyo qurxintiisa si dadka kale ee caalamka u dalxiisa ay ugu soo dhiiradaan,waxaana uu sheegay in qof walba oo muwaadin ah looga laga rabo inuu qeyb ka qaato nabadeynta  iyo  hurumarin dalka,oo aan kaliya lagu haleyn dowladda.

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka dalka ayaa waxaa uu intaasi sii raaciyay in Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadu ay dadaallo badan ku bixisay ka hortagga arrimaha tahriibka iyo dadka sida sharcidarada ah kusoo galaya ama uga baxa dalka,taaso dhibaato ku aheyd Socdaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Maxamed Aaden Jimcaale Waxaa uu ka dhawaajiyay in caqabadaha ka hortaagan in dalka loo yimaado dalxiiska ay tahay Amniga,ayna muhiimtahay in dhammaan laga wada shaqeeyo nabadgelyada Dalka.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo boggaadiyay horumarka laga gaaray dalxiiska

Next Post

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Next Post
Madaxweynaha Koofur Galbeed oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In