Wednesday, August 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dalka oo sheegtay in dalxiisayaasha ay u fududeyneyso Fiisaha.

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dalka oo sheegtay in dalxiisayaasha ay u fududeyneyso Fiisaha.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, korneyl Maxamed Aaden Jimcaale (Koofi) oo ka qeybgalay munaasabadda abaal-marinta safarrada iyo dalxiiska oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafiinta Dhaqanka iyo dalxiiska Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la dib loo bilaabo dalxiiska dalka,taasine ay kaalin weyn ka qaadaneyso kobaca dhaqaale ee dalka.

Maxamed  Aaden Jimcaale (Koofi) ayaa  sheegay in hey’addu ay bilowday sanadkii 2017-kii talaabooyinka lagu  dhiirigelinayo dalxiiska Soomaaliya oo ay ka mid tahay  mideynta Socdaalka dalka iyo in dadka dalka soo galaya ee u imaanaya danaha kala duwan  in adeega fiisaha ay si fudud ku helaan,si gaar ahaan ay ka heli karaan Xuduudaha Dalka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

August 25, 2026
Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay ka shaqeeyeen in Soomaaliya lasoo gaarsiiyo adeegyada caalamiga ah ee dal ku galka iyo waxyaabaha kale ee lagu hubiyo marka ay dalka soo galayaan.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Maxamed Aaden Jimcaale (Koofi) ayaa tilmaamay in ay diyaariyeen ilaa 25 bar-xuduudeed oo dalka lagaso galo,kuwaasi oo isugu jira Garoomo ,Dakado iyo xuduudo dhinaca dhulka ah iyo shaqaale loo tababaray in ay ka howgalaan goobahaasi.iyo sidoo kale  wacyigelin la siiyay wakiilada duulimaadyada si loo  hagaajiyo socdaalka dalka.

Agaasimaha ayaa hoosta ka xariiqay in dalku u baahanyahay in laga wada shaqeeyo qurxintiisa si dadka kale ee caalamka u dalxiisa ay ugu soo dhiiradaan,waxaana uu sheegay in qof walba oo muwaadin ah looga laga rabo inuu qeyb ka qaato nabadeynta  iyo  hurumarin dalka,oo aan kaliya lagu haleyn dowladda.

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka dalka ayaa waxaa uu intaasi sii raaciyay in Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadu ay dadaallo badan ku bixisay ka hortagga arrimaha tahriibka iyo dadka sida sharcidarada ah kusoo galaya ama uga baxa dalka,taaso dhibaato ku aheyd Socdaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Maxamed Aaden Jimcaale Waxaa uu ka dhawaajiyay in caqabadaha ka hortaagan in dalka loo yimaado dalxiiska ay tahay Amniga,ayna muhiimtahay in dhammaan laga wada shaqeeyo nabadgelyada Dalka.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo boggaadiyay horumarka laga gaaray dalxiiska

Next Post

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Next Post
Madaxweynaha Koofur Galbeed oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

August 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga...

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026
0

Shirweynaha Xiriirinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay, iyadoo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In