Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo saraakiil ka tirsan Dowladda FS iyo Dowlada Goboleedyada tababar ugu qabatay Boosaaso+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo saraakiil ka tirsan Dowladda FS iyo Dowlada Goboleedyada tababar ugu qabatay Boosaaso+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkan lagu baranayey sidii loo maarayn lahaa Xuduudaha Dalka iyo muhaajiriinta soo qulqulayaa oo 3 maalmood ka socday magaalada Boosaaso ayaa lasoo gabgabeeyey,waxaana ka faa’idaystay saraakiil socday Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ee ka hawlgala Garoomada Diyaaradaha,Dekedaha iyo xuduudaha Dhulka.

Waxaa Tababarkan oo ay  iska kaashadeen  laant Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka Aduunka ee IOM  uu yahay  mid kor loogu qaadayo aqoonta saraakhiisha ka shaqeeya Xuduudaha  dalka ee kala ah Dhulka Cirka iyo Badda.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026

Agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyada Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso  C/nuur Maxamed Jaansaar oo faahin kabixiyey tababarkan waxa uu sheegay intababarada noocan ah xooga lagu saarayo sidii saraakiisha loo bari lahaa qabashada dadka sida sharciyada dalka ay ku soo  galaan  ee kala ah Soomaalida iyo Ajaanibta.

“Waxaa lagu guuleystay in la soo celiyo sharaftii Baasboorka,dhinaca socdaalka waxaa lagu guuleystay in la qaato tababaro badan,si looga hortago dhagar qabayasha sida sharci darada ah ku soo galaya dalka,ha noqdo muwaadain Soomaali ah oo dhagar qabayasha kamid ah ama kuwa ajaanibta ah”.Ayuu yiri C/nuur.

Axmed Raage oo ah Taliye ku xigeenka hay’adda socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya ayaa sheegay in jamhuuriyada federaalka soomaaliya ay tababaradii dalka dibadiisa loo aadi jirey ayusoo weecisay degmooyinka dalka si muwaadiniinta magaalooyinkooda wax loogu baro.

“Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dhamaan inta ayay ku dhanyihiin,markii labaad waaye oo aan halkan tababara,marka hore waxaan ku qabanaya Garoowe bishii Febraayo,kana waxaan ku qabanaynaa halkan,ee halkii loo aadi lahaa dalka Dibadiisa hadda dowladda Soomaaliya waxaa ay fahmaysaa in lagu qabto gudaha dalka meeshii nabad ah”.Ayuu yiri Axmed Raage.

Duqa magaalada Boosaaso C/salaan Bashiir C/salaan iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo ayaa laanta Socdalka iyo Jisiyadda Soomaaliya ku ammaanay dadaalada dheeriga ah oo ay ku bixinayso sidii loogu shaqeyn lahaa Umadda Soomaaliyeed,maadaama magaalooyinka waaweyn ee Dalka ay si isku mid ah  muwaadinintu baasa boor Soomaaliga iyo adeegyada kale uga qaataan.

Saraakiish tababarka qaatay ee ka socday Dowlada Federaalka iyo Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ayaa sheegay in ay tababarkan ku barteen aqoon iyo qibrad wanaagsan ayna  uga faa’iidayn doonaan dadka kunool  deegaanadii ay ka shaqaynayeen.

Ayaan C/qaadir Cali oo kasocotay Laanta Socdaalka Iyo jinsiyada xafiiska Degmada Dhoobley Ee gobolka jubbada Hoose ayaa sheegtay intababarkan uu yahay mid qiimo gaar ah u leh’ Sababta ayeyna Ku tilmaamtay in ay ka soctay dhanka xuduudaha Deegaankeeda looga baahanyahay sidii loo maarayn lahaa Muhaajiriinta xuduudka kasoo gelaya.

Tababarkan ayaa kamid noqonaya dedaalo  Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay ku doonayso in lahu tayeeyo shaqaalaha Dowladda ee ka shaqeeya Xaduudaha Dalka.

 

 

Previous Post

Doorashada golayaasha deegaanka ayaa ka bilaabanaysa dalka Tunisia, taas oo loo arko mid hanaanka maamul ee dalkaasi muhiim u ah xilligan.

Next Post

Sagaal sano kadib Lubnaan oo qabaneysa dooorashooyin guud

Next Post
Sagaal sano kadib Lubnaan oo qabaneysa dooorashooyin guud

Sagaal sano kadib Lubnaan oo qabaneysa dooorashooyin guud

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In