Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo deeq lacageed ku wareejisay Guddiga gurmadka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo deeq lacageed ku wareejisay Guddiga gurmadka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deeqdan lacageed oo gaareysa $10,000 (Toban Kun Dollar) islamarkaana ay iskasoo ururriyeen shaqaalaha iyo Maamulka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayay maanta mas’uuliyiinta hay’adda ku wareejiyeen Guddiga qaran ee gudrmadka deg dega ah, si lacgatan  wax loogu qabta dadkii waxyeeladu kasoo gaartay weerakii 14-kii October iyo ehelada dadkii weerarkaasi ku dhintay.

Cabdulaahi Xaaji Bashiir Shiine oo ah ku xigeenka Agaasimaha guud ee Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ahana ku simaha Agaasimaha oo guddiga ku wareejiyay deeqda lacageed ayaa sheegay in hay’addu diyaar u tahay ka qeyb qaadashada gurmadka umadda Soomaaliyeed marwaliba oo ay dhibaato dhacdo

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

“ lacagtan aan maanta guddiga ku wareejinay waa wax laga jaray mishaarka shaqaalaha hay’adda waxaana diyaar u nahay inaan guddiga gurmadka gacan siino hadii ay culeysyo kale yimaadaan, sababtoo ah hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay u adeegtaa bulshada Soomaaliyeed waana waajib inana gurmadka umadda ka qeyb qaadano” sidaas ayuu yiri Agaaisme Cabdullaahi Shiine.

Gudoomiyaha  Guddiga qaran ee gurmadka deg dega ah Cabdullaahi  Maxamed Shirwac oo deeqda lacageed gudoomay ayaa balan qaaday inay si wanaagsana u maareyn doonaan lacagtan oo loogu talagalay dadkii ay saameynta ku yeelatay musiibadii 14-kii October.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka tirsan Guddiga qaran ee gurmadka deg dega ah ayaa ku bogaadiyay shaqaalaha iyo maamulka Hay’adda sida ay u garteen u gurmashada dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay musiibadii 14-kii October ,isgoona ugu baaqay hay’adaha kale ee dowladda inay ku deysadaan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa qeyb weyn ka qaadatay gurmadkii loo sameynayay dadkii ku waxyeeloobay musiibadii 14-kii October iyadoo si gaar ah uga caawineysay dhaawacyada dibadda loo qaaday inay helaan Dukumintiyada dhinaca socdaalka ee ay u baahnaayeen.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Next Post

Daawo Video: Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda oo ka warbixiyay Safarka Madaxweynaha ee Imaaraadka

Next Post
Daawo Video: Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda oo ka warbixiyay Safarka Madaxweynaha ee Imaaraadka

Daawo Video: Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda oo ka warbixiyay Safarka Madaxweynaha ee Imaaraadka

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In