Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo deeq lacageed ku wareejisay Guddiga gurmadka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo deeq lacageed ku wareejisay Guddiga gurmadka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deeqdan lacageed oo gaareysa $10,000 (Toban Kun Dollar) islamarkaana ay iskasoo ururriyeen shaqaalaha iyo Maamulka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayay maanta mas’uuliyiinta hay’adda ku wareejiyeen Guddiga qaran ee gudrmadka deg dega ah, si lacgatan  wax loogu qabta dadkii waxyeeladu kasoo gaartay weerakii 14-kii October iyo ehelada dadkii weerarkaasi ku dhintay.

Cabdulaahi Xaaji Bashiir Shiine oo ah ku xigeenka Agaasimaha guud ee Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ahana ku simaha Agaasimaha oo guddiga ku wareejiyay deeqda lacageed ayaa sheegay in hay’addu diyaar u tahay ka qeyb qaadashada gurmadka umadda Soomaaliyeed marwaliba oo ay dhibaato dhacdo

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026

“ lacagtan aan maanta guddiga ku wareejinay waa wax laga jaray mishaarka shaqaalaha hay’adda waxaana diyaar u nahay inaan guddiga gurmadka gacan siino hadii ay culeysyo kale yimaadaan, sababtoo ah hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay u adeegtaa bulshada Soomaaliyeed waana waajib inana gurmadka umadda ka qeyb qaadano” sidaas ayuu yiri Agaaisme Cabdullaahi Shiine.

Gudoomiyaha  Guddiga qaran ee gurmadka deg dega ah Cabdullaahi  Maxamed Shirwac oo deeqda lacageed gudoomay ayaa balan qaaday inay si wanaagsana u maareyn doonaan lacagtan oo loogu talagalay dadkii ay saameynta ku yeelatay musiibadii 14-kii October.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka tirsan Guddiga qaran ee gurmadka deg dega ah ayaa ku bogaadiyay shaqaalaha iyo maamulka Hay’adda sida ay u garteen u gurmashada dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay musiibadii 14-kii October ,isgoona ugu baaqay hay’adaha kale ee dowladda inay ku deysadaan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa qeyb weyn ka qaadatay gurmadkii loo sameynayay dadkii ku waxyeeloobay musiibadii 14-kii October iyadoo si gaar ah uga caawineysay dhaawacyada dibadda loo qaaday inay helaan Dukumintiyada dhinaca socdaalka ee ay u baahnaayeen.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Next Post

Daawo Video: Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda oo ka warbixiyay Safarka Madaxweynaha ee Imaaraadka

Next Post
Daawo Video: Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda oo ka warbixiyay Safarka Madaxweynaha ee Imaaraadka

Daawo Video: Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda oo ka warbixiyay Safarka Madaxweynaha ee Imaaraadka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In