Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo xarun 2aad ka hirgelisay Degmada C/casiis

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayo isku xirka laamaha hay’adda socdaalka Dalka oo ka furmay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray xarunta labaad ee hey’ada socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo laga hirgaliyay degmada Cabdicasiis.

Xaruntan cusub ee la daahfuray ayaa ah mid loogu adeegi doono bulshada caasimadda ku dhaqan gaar ahaan 8-Degmo oo katirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo kala ah Cabdicasiis, Kaaraan, Yaaqshiid, Shibis, Boondheere, Heliwaa, Shangaani iyo Xamar Weyne.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa sheegya in xarunta cusub loogu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed.

“Maadaama caasimaddu ay shacabkeedu aad u badanyahay, lana arkay cariiriga hadda ka jirta xarunta weyn, ayaa la isla gartay in la helo xarun kale, xarunta waxaa xafiisyada ku deeqday Wasaaradda Kalluumeysiga, halka Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’adda ay iska kaashadeen dhismaha iyo qalabeynta xafiisyada, xarunta waxa loogu adeegi doonaa 8 degmo oo Gobolka Banaadir ka tirsan, kuwaasi oo kala ah C/casiis, Shangaani, Kaaraan, Shibis, Xamar Weyne, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Boondheere”ayuu yiri Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan hirgelinta xarunta hay’adda socdaalka qeybteeda bariga Muqdisho.

“Si gaar ah ayaan ugu mahadcelineynaa Madaxda Laanta Socdaalka ee manta ka rumeysay balan qaadyadii aan siinay bulshada oo ah adeegyada dowladda oo loo soo dhaweynayo, ciriirga, waddooyinka xiran iyo saxmadda ka jirta caasimadda si ay uga nastaan, runtii 8da degmo bulshada ku dhaqan muhiimad ayay u leedahay”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa sheegay in xarunta ay muhiimad gaar ah u leedahay bulshada ku nool gobolka, isla markaana boolisku ay xarunta dambi barista ka furi doonaan bariga Muqdisho.

“Waxaan rabnaa inaan xarunta CID qeyb ka mid ah keeno bariga magaalada Muqdisho, si bulshada ay u helaan adeegyada xarunta”ayuu yiri Taliyaha Booliska.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaraddda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa sheegay in hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ay qabatay howl aad u fiican

“Waxa ay qabatay waxyaabo ugu fara badan, runtii baasaboorka qiimo sare ayuu caalamka ku leeyahay, waana rajeyayaa in xaruntan cusub ay bulshada wax badan u qaban doonto” ayuu yiri Wasiir Qaloocow.

 

 

 

Previous Post

Howlgal lagu burburiyay xarun ay argagixisada Al-Shabaab ku lahayd Jubbada Dhexe

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Danjireyaasha dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Danjireyaasha dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Danjireyaasha dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In