Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo xarun 2aad ka hirgelisay Degmada C/casiis

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayo isku xirka laamaha hay’adda socdaalka Dalka oo ka furmay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray xarunta labaad ee hey’ada socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo laga hirgaliyay degmada Cabdicasiis.

Xaruntan cusub ee la daahfuray ayaa ah mid loogu adeegi doono bulshada caasimadda ku dhaqan gaar ahaan 8-Degmo oo katirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo kala ah Cabdicasiis, Kaaraan, Yaaqshiid, Shibis, Boondheere, Heliwaa, Shangaani iyo Xamar Weyne.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa sheegya in xarunta cusub loogu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed.

“Maadaama caasimaddu ay shacabkeedu aad u badanyahay, lana arkay cariiriga hadda ka jirta xarunta weyn, ayaa la isla gartay in la helo xarun kale, xarunta waxaa xafiisyada ku deeqday Wasaaradda Kalluumeysiga, halka Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’adda ay iska kaashadeen dhismaha iyo qalabeynta xafiisyada, xarunta waxa loogu adeegi doonaa 8 degmo oo Gobolka Banaadir ka tirsan, kuwaasi oo kala ah C/casiis, Shangaani, Kaaraan, Shibis, Xamar Weyne, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Boondheere”ayuu yiri Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan hirgelinta xarunta hay’adda socdaalka qeybteeda bariga Muqdisho.

“Si gaar ah ayaan ugu mahadcelineynaa Madaxda Laanta Socdaalka ee manta ka rumeysay balan qaadyadii aan siinay bulshada oo ah adeegyada dowladda oo loo soo dhaweynayo, ciriirga, waddooyinka xiran iyo saxmadda ka jirta caasimadda si ay uga nastaan, runtii 8da degmo bulshada ku dhaqan muhiimad ayay u leedahay”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa sheegay in xarunta ay muhiimad gaar ah u leedahay bulshada ku nool gobolka, isla markaana boolisku ay xarunta dambi barista ka furi doonaan bariga Muqdisho.

“Waxaan rabnaa inaan xarunta CID qeyb ka mid ah keeno bariga magaalada Muqdisho, si bulshada ay u helaan adeegyada xarunta”ayuu yiri Taliyaha Booliska.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaraddda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa sheegay in hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ay qabatay howl aad u fiican

“Waxa ay qabatay waxyaabo ugu fara badan, runtii baasaboorka qiimo sare ayuu caalamka ku leeyahay, waana rajeyayaa in xaruntan cusub ay bulshada wax badan u qaban doonto” ayuu yiri Wasiir Qaloocow.

 

 

 

Previous Post

Howlgal lagu burburiyay xarun ay argagixisada Al-Shabaab ku lahayd Jubbada Dhexe

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Danjireyaasha dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Danjireyaasha dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Danjireyaasha dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In