Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo dib u eegis ku sameyneysa sharciga socdaalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo dib u eegis ku sameyneysa sharciga socdaalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ka qeyb-galay Barnaamijka kulanka Toddobaadka ee Warbaahinta Qaranka ayaa sharraxaad ka bixiyey sharciga socdaalka Soomaaliya oo dhowaan wadatashiyo arrimahaas ku aaddan laga bilaabay Muqdisho, waxa uu sheegay in wadatashiyadaas la gaarsiinayo gobolada dalka.

Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa tilmaamay in hey’addu ay hirgelisay xafiisyada Jubbooyinka iyo Gedo oo ilaalin doona dhinaca Xuduudaha, iyagoo kaashanaya Hey’adaha amniga dalka.

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka ayaa soo  hadal qaadey horumarka Baasaboorka Soomaaliga ah, waxa uu carrabka ku adkeeyey in caalamka oo dhan uu ka shaqeeyo, hasa ahaatee loo baahan yahay in Soomaaliya ay wadamo adduunka la gasho heshiisyo socdaal, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu fududaato dalka ku galka ama VIISA-ha.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay kala hadleen arrimaha Socdaalka, welina ay wadaan wada hadallo, balse xayiraadda Mareykanka toddobada dal uu ku soo rogay aysan la xiriirin Baasaboorka ee ay tahay arrimaha Socdaalka dedaalkeeduna ay wadaan.

Ugu dambeyntii Agaasimaha Hey’adda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa ka hadlay waxa ay hey’addu hiigsaneyso mustaqbalka dhow.

“Waxaan rabnaa inaan gaarno hey’adda oo xaqiijisay, diiwaangelisay dhammaan ajaanibta dalka joogta ama martida ah, hey’adda oo xogta xuduudaha ku filan, hirgelisayna dhammaan xafiisyada muhiimka u ah, waxaan ku rajo weynnahay inaan galno heshiisyada socdaalka dalalka caalamka oo dhan iyo Soomaaliya oo ka mid noqotay hey’aaha socdaalka caalamka kuwa ugu horreeya ama ugu wanaagsan” ayuu yiri Mudane Koofi

Previous Post

Dhageyso:Taliska Ciidamada Xoogga Dalka oo guulo ka gaaray Dagaal Maanta ka dhacay G/hoose

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

March 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho Afur Sharafeed ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In