Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa Caawa Magaalada Baladweyne u dirtay Diyaarado soo daabulo dadka Shacabka ah ee ku dhawaacmay Qarixii cuslaa ee Argagixisada ka gaysatay Magaaladaas.
Agaasimaha xarunta Qaran ee Gurmadka Deg-degga ah ee SoDMA Mudane Xasan Ciise ayaa ka warbixiyey howlaha loogu gurmanaayo dadkii ku wax yeeloobay qaraxii maanta ka dhacay Baladweyne.
Hay’adda SoDMA oo kaa shanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Hirshabelle iyo UNSOS ayaa Caawa waxa ay Magaalada Baladweyne u dirtay Diyaarado soo daabula dhawacyada culus ee Qaraxaas ku dhawacmay si isla caawa loo keeno magaalada Muqdisho.
Waxaa kaloo hey’adda SoDMA sii diyaarisay Gawaarida Gurmadka Deg-degga si dhawacyadaan ugu daabulaan Isbitaalada Cafimaadka .