Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay muwaadiniinta ku nafwaayay qaraxa argagixisanimo ee Beladweyne

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 23, 2023
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay shacabka ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Beladweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxii arxan-laaweyaasha Khawaarijta ay ku bartilmaameedsadeen shacabka magaalada Baledweyne.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in falalka argagixisanimo aysan ka hor istaageyn shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dabar-goynta Khawaarijta ku been abuurta diinteenna suubban ee qaraxyada ku xasuuqa shacabka, burburiya Masaajidda iyo goobaha lagu barto Quraanka.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxa argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan guud ahaan dadkeenna. Masaajiddii ayey duminayaan, culimadii dadka diinta bareysay ayey dilayaan, haldoorka bulshada ayey dilayaan. Waa nimanka qaraxa ku burburiyey maanta masaajidka Baledweyne shalayna Masaajidkii Daaru-nicma.Nimanka noocaas ah bal maxay noo reebteen.”  ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan argagixisanimo in uu Eebbe u boogo dhayo,  waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan arxan laawaha ah, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa in laga xoreeyo guud ahaan dalkeenna.

 

Previous Post

Hay’adda SoDMA oo diyaarado soo daabulo dhaawacyada qaraxii maanta u dirtay Beladweyne

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo khudbad ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo khudbad ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo khudbad ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In