Hay’adda SoDMA oo ka jawaabeyso cabasho iyo qeylo dhaan ka soo yeertay xaaladda carruurta agoonta Booliska ee ku xareysan xarunta barbaarinta agoonta ee Booliska Soomaaliya ayaa maanta shixnad mucaawino ah gaarsiisay xarunta.
Shixnadaan mucaawinada ah ayaa iskugu jirta qeybaha kala duwan ee Raashinka waxaana raashinkaan Hay’adda ku wareejisay taliyaha xaruntaaas Jeneraal Cali Xirsi Barre, kaas oo hay’adda kaga mahadceliyey garab istaaga ay marwalba la garab taagantahay carruurta ay ka tageen geesiyadii naftooda u waayey difaacidda dalkeenna.
Xaruntaan oo lagu xanaaneeyo Agoontii ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa hay’adda kaga mahadceliyey gargaarkaan ,kaas oo aan aheen kii ugu horeeyey ee ay hay’adda SoDMA gaarsiiso xarunta, isla markaana aan noqon doonin kii ugu dambeeyay.