Friday, October 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hayโ€™adda Wacyi-gelinta Bulshadda (CCA) oo Tartamo Sport ku qabatay Degmooyin ka tirsan magaalladda Muqdisho “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Hayโ€™adda Wacyi-gelinta Bulshadda (CCA) oo Tartamo Sport ku qabatay Degmooyin ka tirsan magaalladda Muqdisho “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Center for Community Awareness (CCA) waxay dhawaan Tartamo Sport oo kala duwan ku qabatay Degmooyinka Shingaani iyo Hodan ee Gobalka Banaadir.

In ka badan 200 ciyaartoy oo ka kala socday Waaxyaha Labadaasi Degmo ayaanaย ย ka qeyb galay Tartamadaasi oo lagu baratamayeyย ย ciyaaraha K/cagta ee Fustalka, Kollayga, Orodka, Feerka iyo Xarig-jiidka.

Related posts

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ”-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š.

October 17, 2025
Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

October 17, 2025

Tartankaasiย ย oo socday in ka badan labo toddobaad, waxay ciyaaryahannaddaย ย galab kasta iyo habeen kasta ku ciyaari jireen Garoomadda Ciyaaraha ee ku yaalla Degmooyinka Shingaani iyo Hodan.

Tartanka Fustalka ee ka socday Degmadda Shingaani ayaa waxaa la ciyaari jirey fiid kasta, waxaana u soo daawasho tegi jirey Masโ€™uuliyiinta Gobalka, kuwa Degmooyinka, Ururradda Bulshadda Rayidka iyo kumanaan qof oo ka tirsan dadweynaha ku nool Degmooyinka magaalladda Muqdisho.

Taageerayaasha Kooxaha waxay aad u soo buuxin jireen Garoomadda, iyagoo si xooggan u dhiiri-gelin jirey Kooxaha ay kala taageeraan.

Waxay soo bandhigeen Hal-ku-dhegyo xamaasad leh oo ay ku dhiiri-gelinayeen Horumarinta Sport-ga iyo waxtarka ay Ciyaaruhu u leeyihiin Is-dhex galka dhallinyarradda iyo bulshadda.

Tartankaasi waxaa Kaalinta 1-aad galay Ciyaartoyda K/cagta ee Xaafadda Mooyaale, iyadoo Kaalinta 2-aadna ay galeen Ciyaartoyda Xaafadda Midnimo.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Center for Community Awareness (CCA), Md. Maxamed Ibraahim Cali โ€œM.Cajiibโ€ ayaa ka hadlay gebagebadii Tartankaasi, wuxuuna bogaadiyey Guddigii Qabanqaabadda ee Tartankaasi.

Guddoomiyaha CCA, Md. Maxamed Ibraahim Cali โ€œM.cajiibโ€ waxa uu tilmaamay in Tartankaasi looga dan leeyahay in Dhallinyarradda loo qabanqaabiyo Tartamo Sports oo lagu dhisayo jirkooda iyo maskaxdooda.

Guddoomiyaha CCA, waxa kaloo uu xusay in hadafka laga leeyahay Tartamadda Sport tahay xoojinta nabadda iyo in Dhallinyarradda laga wacyi-geliyoย ย si ay ugaย ย waantoobaan dhaqannadda xunxun iyo inaan lagu qaldin Afkaarta colaadaha.

Gudoomiyaha CCA oo hadalkiisa sii wata wuxuu cadeeyay in ay taageero balaaran siin doonaan Degmooyinka habeenkii isboortiga laga ciyaaroย  wuxuuna hoosta ka xariiqay in koobab la mid ah kan Degmadda Shangaani lagu qabtey ay ku dhigi doonaan qaar ka mid aha degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir.
Munaasabadaasi waxaa kaloo ka hadlay Gudoomiye-ku- xigeenada Degmadda Shangaani ee Arimaha Amniga iyo Bulshada, Xuseen Ibraahim Cali iyo Maryam Bedel Xasan kuwaasi oo ka warbixiyey qaabkii loo soo agaasimay tartankaasi , waxayna qireen inuu Tartankaasi ku dhamaadayย ย jawi wanaagsan.
Dhinaca kale, Hayโ€™adda Center for Community Awareness (CCA)ย ย waxayย Tartan lagu xoojinayey nabadda iyo isdhexgalka Bulshada ku qabatayย ย Degmadda Hodan, waxaana Tartankaasi ka qayb qaatay Ciyaartoyย ย ka kala socotay Waaxyaha kala duwan ee Degmadda Hodan.

Munaasabadii furitaanka Tartankaasi ay Heyโ€™adda Wacyi-gelinta Bulshada ee CCA soo qabanqaabisay waxaa ka soo qaybgaley masuuliyiin isugu jirtay Heer degmo iyo madax ka kala socotay Ururadda Bulshadda Rayidka ee ka howlgala Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Degmadda Hodan Marwo Xaawo Maxamuud Cali (Xaawo kiin)ย ย oo ka hadashay munaasbadaasi ayaa ku dheeraataย ย faaiidada uu isboortigu u leeyahay isdhexgalka Bulshada iyo kor uqaadida nabadda.

Waxay kaloo tilmaamtay inay Maamul ahaanย ย soo dhaweynayaan qabashadda Tartamadda noocan ah, waxayna tilmaantay in qabashada tartanka, waxayna carrabka ku dhufatay inayย ย ka maamul ahaan ka goโ€™an tahay sidii dhinaca isboortiga loogu mari lahaa wadada Nabadda.

Gudoomiyaha Degmadda Hodan waxay kula dardaarantayย ย Ciyaartoyda ka qeyb galaysay Tartankaasi inay ka shaqeeyaan Nabadda,ย ย isla markaana ay u howlgalaan sidii ay uga caqli celin lahaayeen qof kastaoo la qalday.

Waxa ay u mahadcelisay Madaxda Heyโ€™adda CCA ee soo qabanqaabisay tartankaasi.

Tartanka K/cagta ee Fustalka ee Degmadda Hodan oo socday muddo labo isbuuc ah waxaa Kaalinta 1-aad ku guuleystay Ciyaartoyda Xaafadda Kacaan, waxaana kaalinta 2-aad galay Kooxda ku ciyaaraysay Xaafadda Oktoobar ee Degmadda Hodan.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo ay Madaxda Hayโ€™addaย ย Hayโ€™adda Center for Community Awareness (CCA)ย ย tartamo Sport ku qabtaan Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Hayโ€™adda waxay dhowrkii sanno ee la soo dhaafay qabanqaabiyeen Tartamo Sport oo ka kala dhacay Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo Goballadda kale, waxaana hadafka laga leeyahay Tartamadaasi Sport tahay sidii Dhallinyarradda loogu barbaarinย ย lahaa Sprt-ga, loo xoojin lahaa is-dhexgalka bulshadda iyo sidii qeybaha bulshadda looga wacyi-gelin lahaa waxyaabahaย ย wax u dhimi kara mustaqbalkooda iyo Danaha Qaranka.

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (5)

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Tartankan kubadda Kolayga 3ร—3 Oo Muqdisho Ka Furmay+Sawirro

Next Post
Tartankan kubadda Kolayga  3ร—3 Oo Muqdisho Ka Furmay+Sawirro

Tartankan kubadda Kolayga 3ร—3 Oo Muqdisho Ka Furmay+Sawirro

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ”-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š.

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ”-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š.

October 17, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka 26-aad ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika,...

Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

October 17, 2025
0

ALi SHiGaL: Qaahira, Masar, 17-ka Oktoobar 2025: Iyada oo lagu guda jiro Todobaadka Shirweynaha Biyaha ee Qaahira (Meertada 8-aad), ayaa...

Muqdisho oo lagu qabtay xaflad casho sharaf ah oo lagu taageeraayo xildhibaanada cusub

Muqdisho oo lagu qabtay xaflad casho sharaf ah oo lagu taageeraayo xildhibaanada cusub

October 17, 2025
0

Qaar kamid ah Wasiirada XFS iyo xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanada Soomaaliya ayaa xalay ka qeybgalay xaflad casho sharaf ah...

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub oo ku howlan dib u dhiska xeryaha iyo awoodsiinta ciidanka

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub oo ku howlan dib u dhiska xeryaha iyo awoodsiinta ciidanka

October 17, 2025
0

Maamulka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub oo gacan ka helaya heyโ€™adaha maalgalinta ee ururkaasi ayaa ku howlan dib u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In