Tuesday, June 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Heerarkii uu soo maray shirka Golaha wadatashiga Qaran ee dhamaystirka doorashooyinka dalka

caqiil by caqiil
April 3, 2021
in Wararka
0
Heerarkii uu soo maray shirka Golaha wadatashiga Qaran ee dhamaystirka doorashooyinka dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo sabti ah (3-April-2021) ayaa lagu ballansan yahay in uu Muqdisho ka furmo kullan uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaa oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa daba socda kulamo dhowr ahaa oo maalmo ka hor ka qabsoomay Afisiyooni kaas oo looga arinsanayay qabsoomidda doorasho la isla ogol yahay, oo ay ku wada qanacsan yihiin dhamaan Umadda Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025

Sidee ayuu u qabsoomay kullankii uu Madaxweynaha dalka isugu yeeray madaxda MG iyo Gobolka Banaadir 22-Mar-2021?

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya 20 maarso ee sanadkan ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 22-ka Maarso 2021 ku baaqay shir lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo labo maalmood soconaya waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay ahmiyad wayn siiyaan shirkan lagu dhammeystirayo tabashooyinkii kasoo laabtay heshiiskii doorashooyinka si dalka loogu jiheeyo doorasho xor iyo xalaal ah.”

Shirkan oo ahaa mid dhinacyada Siyaasadda ay ku wada qanacsan yihiin qabsoomiddiisa ayaa furmay,waxaana ka soo qayb galay Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Sadex Madaxda Maamul goboleedyada Koonfur-galbeed, Galmudug iyo Hirshabeele. Waxaa kulanka ka maqnaa Madaxda Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo muqdisho u yimid ka qayb galka shirkan balse ka baaqday sababo aan caddayn awgeed.

Madaxweynaha dalka ayaa furay shirka, waxaana looga arinsanayay qaabkii ay u qabsoomi lahayd doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta la hadlay gaba-gabadii shirka ee maalinta koobaad ayaa sheegay in Shirku furmay, qorshahuna uu ahaa sii ambaqaadista wixii ka soo baxay heshiisyadii 17 Sibteembar ee Dhusamareeb iyo 16 Febraayo ee Guddiga Farsamada Doorashooyinka ay ku yeesheen Baydhabo la sii wado.

Waxa uu sheegay in maalinka koobaad ay aheyd maalin hor-dhac ah oo loogu talagalay kala war qaadasho iyo wareysi lab-xaarnaani ku dheehan tahay si loo guda-galo hawlaha iyadoo dhinacyado ay is-ogol yihiin. Waxa uu intaa ku daray in uu filayo in Madaxda labada Maamul goboleed ee Puntland iyo Jubaland ay ka soo qayb gali doonaan shirka, gogoshii Madaxweynuhuna ay wali furan tahay.

Maalinkii labaad ee shirka 23-Maarso ee sanadkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka.

Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abokor Dubbe ayaa ka warbixiyey qorshaha mideysan ee ay ka soo saareen Guddigu shirkii Talo-soojeedinta Arrimaha Farsamada Doorashooyinka ee Magaalada Baydhabo.

Guddiga ayaa la wadaagay Madaxda nuxurka talo-soojeedintooda ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan heshiiskii doorashooyinka ee la meelmariyey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Xubnaha Guddigan heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir qorshaha cad ee ku saabsan doorashooyinka dalka ee ay soo diyaariyeen, kaas oo dhammeystiraya shaqada mugga weyn ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka iyo hirgelinta heshiiskii 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka.

Gabagabadii shirka ayey Madaxdu Guddiga Amniga Qaranka ka dhagaysteen soo jeedintoodii Amaanka Doorashooyinka iyo Jaantuska ay ka soo diyaariyeen qabsoomidda Doorasho nabdoon,

Madaxda Maamul Goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa iyagu ka maqnaa kulamadiinka dhacayay Garoonka Afisiyooni. Inkasta oo ay Muqdisho ugu sugaayeen ka qayb galidda kulamada doorashooyinka haddana kama aysan qayb galin Wada-hadaladii Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul-goboleedyadu kaga arinsanaayeen qabsoomidda Doorasho la isla ogol yahay.

Tan iyo Bishii Sibteembar sanadkii hore ayaa la isku mari la’ yahay sidii doorasho dalka uga dhici lahayd, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer tagay Dhuusa mareeb oo marti galinaysay wada-hadalada Doorashooyinka.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha dalka oo hor tagay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya sheegay in uu marar badan Tanaasul u sameeyay sidii ay ku dhici lahayd doorasho loo dhan yahay ayna ku qanacsan yihiin dhamaan dhinacyada siyaasadda, balse ay ka suuragali wayday maamulada qaarkood.

Ugu danbeyn maanta ayaa lagu wadaa in uu Furmo shir kale oo Madaxweynaha dalka uu ku baaqay 1dii bishan april, si Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul-goboleedyadu uga arinsadaan sidii dalka uu u aadi lahaa Doorasho. Madaxda Puntland iyo Jubaland oo ka maqnaa kulamadii hore ayaa la filayaa in ay ka soo qayb gali doonaan shirkan lagu ballansan yahay in uu ka furmo Afisiyooni mar kale.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay qeybaha bulshada ee Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Cabsi laga muujiyay shirka Nukliyeerka ee Iiraan iyo Mareykanka

Next Post
Cabsi laga muujiyay shirka Nukliyeerka ee Iiraan iyo Mareykanka

Cabsi laga muujiyay shirka Nukliyeerka ee Iiraan iyo Mareykanka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

June 9, 2025
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In