Munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu saxiixay hashiiska qandaraasyada raashiinka iyo shidaalka ciidamada qalabka.
Qandaraasyada la saxiixay ayaa soo maray habraaca iibka qaranka ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo saldhigiisu yahay in si daah furan loogu tartamo qandaraasyada dowladdu bixinayso.
Wasiirada Gaashaandhiga iyo Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa saxiixay qandaraasyadaan waxaana goob joog ka ahaa wasiirka, Wasiir ku xigeenka, wasiiru dowlaha wasaraadda Maaliyada, Wasiirka Warfaafinta, Taliyayaasha ciidamada Xoogga Dala, Booliiska iyo Masuuliyiin kale.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabriraxmaan Ducaale Beyle ayaa sharxay habraacii lagu bixiyay qandaraasyadaan.
Wasiirka Gaashaanka Xasan Cali Maxamed oo bogaadiyay habraaca loo maray qandaraasyadaan ayaa qaba qaabka loo bixiyay ay qeyb tahay dib u habeynta ciidamada Qaranka iyo daah furnaanta Dowladda.
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa kula dardaarmay shirkadaha ku guuleystay qandaraasyada inay u gutaan si hufan, Taliyayaasha Ciidamadana ay hubiyaan sida loo fuliyo Handaraasyada
Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa labadii bishii May ee sanadkaan daah furtay tartanka shirkadihii soo dalbaday Qandaraasyada raashiinka iyo shidaalka Ciidamada ee maanta lagu saxiixay Muqdisho