Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adaha ammaanka oo saddex Shabakadooda oo argagixiso bur-buriyey (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir deg deg oo caawa ka dhacay Muqdisho, ayaa looga hadlayey ammaanka dalka Soomaaliya iyadoo ay ka qeyb-galeen dhammaan hey’daha ammaanka Qaranka, AMISOM iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka dhacay xarunta Nabad-Sugidda Qaranka ee magaalada Muqdisho, waxaa shir guddoominayey Taliyaha ciidammada Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka General Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare (Cumda), iyadoo ay  saraakiisha sarre AMISOM shirkaasi  ka soo qeyb-galay ay soo gudbiyeen war-bixinno amniga la xiriira , waxaana u jeedada shirka  uu  ahaa laba arrimood oo kala ah soo bandhiggidda howlagallo si  gaar ah ay ciidammada Nabad-Sugidda uga fuliyeen Muqdisho oo lagu dhabar  jabiyey Al-Shabaab iyo hadafka guud ee howlgallada xasilinta ee dalka ka socda.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Shirkaasi oo saacado badan qaatay kaddib, ayaa waxaa Warbaahinta Qaranka la hadlay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka, Mudane Maxamed Yuusuf Cismaan, waxa uu yiri “ shirkaan caawa ka dhacay Muqdisho, waxaa uu ahaa shir lagu soo bandhigay in hey’daha ammaanka Somalia ay burburiyeen saddex shabakadood oo argagagixisada ay shacabka ku dhibaateynayeen, seddexdaasi shabakad waa midda amniyaadka ee Al-Shabaab,  shabakadda gawaarida dadka lagu dilo oo laga hortagay lana burburiyey iyo weerarrada iyo Qaraxyada kuwa abaabula”.

Afhayeenka, ayaa sidoo kale sheegay in hey’daha ammaanka ay ka hortageen weerarro ay damacsanayeen argagixisada  iyo qaraxyada ay soo maleegayeen Al-Shabaab.

Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa yiri “ Shacabka Soomaaliyeed waxaan u cadeyneynaa in Al-Shabaab awoodooda la bur-buriyey, isla markaana eysan suuragal aheyn in ay sameeyaan ficil argagixiso, waxaan gacan saar weyn la leenahay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee  ku sugan gobollada dalka oo dhan, taasi ayaana keentay in lagu guuleysto wijiga koowaad ee howlgalka xasilinta dalka.

Shirkan ayaa qeyb ka ah shirar isdaba joog ah oo lagula xisaabtamayo laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xiriirka ay la leeyihiin degmooyinka iyo gobollada dalka maamullada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool si taageeradooda looga faa’ideysto kaddibna tallaabo looga qaado argagixisada Al-Shabaab.b a b c s

 

 

sa

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Naxariista iyo Fudeydka Islaamka-DHAGAYSO

Next Post

Naxariista iyo Fudeydka Islaamka-DHAGAYSO

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In