Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adda CCA oo dugsi wax lagu barayo Haweenka maxaabiista ah ka hirgelisay Xabsiga dhexe “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Hey’adda CCA oo dugsi wax lagu barayo Haweenka maxaabiista ah ka hirgelisay Xabsiga dhexe “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu daah furayay Dugsi wax lagu bari doono haweenka Maxaabiista ah ayaa shalay lagu qabtay xarunta xabsiga Dhexe, iyadoo Dugsigan ay hirgelisay Hey’adda Wacyi gelinta Bulshada ee CCA.

Furitaanka Dugsigan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Dahir, Taliyaha Ciidamada Asluubta Jen, Bashiir Maxamed Jaamac, Madaxda Hey’adda CCA.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026

Wasiirada Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Sahra Maxamed Cali Samantar oo ka hadashay Munaasabadda ayaa ku ammaantay dadaalka ay Hey’adda CCA wado, iyadoo xustay inay wadaan barnaamijyo lagu hormarinayo bulshada

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federalka ay diiyaarinayso Sharciga Xuquuqda Gabdhaha Soomaaliyeed, iyadoo tilmaantay in tacadiyo badan loo geysto gabdhaha, isla markaana lagu xadgudubo Xuquuqdooda.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Dugsiga wax lagu bari doono Gabdhaha Maxaabiista ah, isagoo ku tilmaamay inay tahay tallaabo wanaagsan in xarun Waxbarasho loo furo Maxaabiista, si sare loogu qaado Aqoontooda.

Waxaa uu u mahad celiyay Hey’adda Wacyi gelinta bulshada ee CCA, isagoo ku bogaadiyay fikirka wanaagsan ee ay ku soo kordhiyeen horumarinta aqoonta Maxaabiista ee ku xiran xabsiga Dhexe.

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac oo ka hadlay munaasabada ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda iyo nolosha Maxaabiista iyo Tallaabooyinka lagu horumarinayo Dhismaha Xabsiga.

Jen, Bashiir ayaa uga mahad celiyay in Hey’adda CCA, gaar ahaan Guddoomiyaheeda Maxamed Cajiib uu todobaad gudihiis ku aqbalay codsigooda, isagoo ka hirgeliyay xabsiga Dhexe Dugsi wax lagu baro Haweenka Maxaabiista ee ku xiran xabsiga.

“Hey’adda Wacyi-gelinta bulshadda ee CCA waxay muddo isbuuc ah ku fuliyeen codsiga ku aadan dhismaha Dugsiga u gaarka ah Gabdhaha Maxaabiista”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Asluubta oo hoosta ka xariiqay haddii Hay’ad kale lala kaashan lahaa dhismahaasi inay muddo saddex bilood ah ku qaadan lahayd si ay uga soo jawaabaan codsigaasi.

Guddoomiyaha Hey’adda CCA Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib) ayaa sheegay isna u mahadceliyay Taliyaha Ciidanka Asluubta oo dadaal u galay sidii maxaabiista ku jirta xabsiga ay xuquuqdooda u heli lahaayeen, isla markaana laga hormarin lahaa dhinaca aqoonta.

“Shaqaalaha Hey’adda CCA ayaa iska soo uruurisay Kharashka lagu hirgeliyey Dhismaha, mana jirto Hey’ad ama Dowlad gaar ah oo Hay’adda CCA taageero ka siiyey fulinta Dugsiga u gaarka ah Gabdhaha Maxaabiista”ayuu yiri Maxamed Cajiib oo intaa ku daray in Hey’adda CCA ay leedahay Fikirka, maalgelinta iyo Hirgelinta Dhismaha Dugsigaasi.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Hey’adda CCA ay qorshaha ugu jirto in xabsiga Dhexe ee Xamar ka hirgeliyaan Dugsi u gaar ah Ragga Maxaabiista ah, si kor loogu qaado aqoontooda.

 

iskuul-cca-1 iskuul-cca-2 iskuul-cca-3 iskuul-cca-4 iskuul-cca-5

?????????????????????????????????????????????????????????
?????????????????????????????????????????????????????????

iskuul-cca-7 iskuul-cca-8

Previous Post

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo dib u dhigay  xuska maalinta Olympikada Aduunka

Next Post

Taliyaha Boliiska oo maanta  gaaray Baydhabao

Next Post
Madaxweynaha oo taliyeyaasha cusub ee Asluubta iyo Booliska kula dardaarmey dardargelinta hawlaha amniga “SAWIRRO”

Taliyaha Boliiska oo maanta  gaaray Baydhabao

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In