Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adda Hormuud oo deeq lacageed gaarsiisay qaxooti Yeman u dhashay

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Hey’adda Hormuud oo deeq lacageed gaarsiisay qaxooti Yeman u dhashay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afar Boqol iyo Konton qof oo ah qoxooti Yemaniyiin ah oo ka soo cararay dagaalka dalkooda ka socda isla markaana ku nool caasimada Muqdisho ayaa maanta hey’ada samafalka ee Hormuud foundation waxay u qeybisay lacag, taasi oo qofkiiba la siinayay $100.

Munaasabada lacagaha lagu gudoonsiinayay qoxootiga Yemaniyiinta ah ayaa waxaa ka qeybgalay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, mas’uuliyiinta hey’adda iyo dadkii lacagaha loogu deeqay.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Gudoomiye ku xigeenka hey’adda Hormuud Sheekh Cumar Salaad ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in Lacagta ay ugu talagaleen dadka Yemaniyiinta ah ay uga gudbaan bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Barnaamijkan quruxda badan ee maanta aan qabanay hadaa nahay Hormuud Telecom Foundation oo aan u qabanay dadka ka soo barakacay dalka Yemen ee hada ku sugan Muqdisho ,oo cadadkoodu yahay dadka aan maanta wax siinay 450 -500,qofkiiba waxaan siinay $100 oo aan ugu talagalnay inay uga gudbaan Ramadaanka inta ka harsan afur ka dhigtaan,ciida iyo arimhiisa uu qof kasta ku dhameystirto waxaa kaloo Jaaliyada Yemen aan u balanqaadnay inaa siineyno  450 kartoon oo Timir ah ,halkii kartoona ay ku jirto 8-kiilo”,ayuu yiri Cumar.

Qaar kamid ah dadkii Yemen u dhashay ee maanta hey’ada samafalka ee Hormuud  ay Lacagta siisay ayaa warbaahinta qaranka uga waramay sida ay u arkaan lacagta la siiyay, isagoo u mahadceliyay hey’adda hormuud.

Ugu dambeyn Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfullah oo ka hadlay munaasabada lacagaha lagu siinayay dad Yemaniyiin ah oo ku nool Muqdisho ayaa u mahadceliyay hey’ada samafalka Hormuud, wuxuuna ugu baaqay hey’adaha kale in si lamid ah Hormuud ay ugu soo gurmadaan dadkan dhibaateysan.

 “Runtii taakuleyntan waa taakuleyn aad u balaaran oo nuuceeda oo kale wali aysna helin,dadka maanta halkan leysugu keenay oo cadadkoodu gaarayo dad ku dhow 500,oo ay ugu talagaleen misaaniyad ah $50,000 oo dadka halkan fadhiya min $100 loo siinayo ,waa fursadii ugu horeysay ay helaan waxaan dareemayaa inay aad ugu faraxsan yihiin oo waxay ku soo beegantay waqti ay aad ugu baahnaayeen oo ay soo dhowdahay Ciida”, ayuu sheegay xildhibaanku.

Previous Post

Dibad bax lagu taageerayay hogaanka cusub ee Galmudug oo Gaalkacyo la dhacay

Next Post

Wasiirka arimaha gudaha oo Ahlu suna ugu baaqay ka qeybgalka maamulka cusub

Next Post
Wasiirka arimaha gudaha oo Ahlu suna ugu baaqay ka qeybgalka maamulka cusub

Wasiirka arimaha gudaha oo Ahlu suna ugu baaqay ka qeybgalka maamulka cusub

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In