Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adda HRW: Kenya uma marin hanaan caalami ah dib u celinta qaxootiga

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Hey’adda HRW: Kenya uma marin hanaan caalami ah dib u celinta qaxootiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hey’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa dowladda Kenya ku eedeysay in ay ku fashilintay in ay waafijiso hanaanka caalamiga ah qaabka loo maro in qaxootiga si iskood ah ugu laabtaan Soomaaliya.

Ururkan ayaa sheegay in qaxooti badan oo dib ugu laabtay Soomaaliya lagu qasbay in ay ka baxaan xeryaha Dhadhaab.

Related posts

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026

Tobanaan kun oo qaxooti Soomaali u badan oo muddo 20 sano ka badan ku noolaa xerada qaxootiga ee aduunka ugu weyn ee Dhadhaab ayaa hadda bilaabaya in ay dib ugu laabtaan wadankooda ayaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay hey’adda Human Rights Watch.

Dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo hey’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee magaceeda loo soo gaabiyo UNHCR ayaa horey ugu heshiiyay in qaxootiga si iskood ah dib loogu celiyo Soomaaliya isla markaana laga gacansiiyo arintaas.

Hey’adda Human Rights Watch, ayaa waxaa ay sheegtay in dowladda Kenya aanay si dhab ah uga kala dooransiinin dadka qaxootiga ah in ay laabanayaan iyo in kale.

Warbixinta ay soo saartay hey’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sidoo kale, waxaa ay hey’adda UNHCR ku  dhaleeceysay in aysan siinin dadka laabanaya warbixin sax ah oo ka jirta halka ay ku socdaan isla markaana dadka qaar laga yaabo in ay nolashooda khatar gasho.

“In aan lagu cadaadin  dad qaxooti ah si qasab ah ugu laabtaan meel nolshadooda iyo xoriyadooda ay dhibaato ka soo gaarayso waa qeyb kamid ah baaqii qaxootiga ee sanadkii 1951dii,”  ayaa lagu yiri warbixinta hey’adda Human Rghts Watch.

Qaar kamid ah dadka ka tagay xeryaha Dhadhaab ayaa ahaa kuwo ka baqayay in mar uun la soo dhoofin doona isla markaana ay waayi doonaan lacag dhan 400 oo doolar oo UNHCR ay siiso dadka qaxootiga ah, ayuu sheegay ururka.

“Ma jiro si aan u dhahno qaabkaan waa dib u laabasho iskood ah,” ayuu sheegay Bill Frelick oo Human Rights Watch ka tirsan.

Dhowaan ayaa dowlad goboleedka Jubaland waxaa uu sheegay in uu joojiyay qaabilaada qaxootiga ka soo laabanaya xeryaha Dhadhaab, taas oo uu sabab uga dhigay markii UNHCR ku guuldareysatay in ay caawiso dadka soo laabanaya.

Deegaanka Dhadhaab oo ku yaala gobolka woqooyi bari ee dalka Kenya, ayaa waxaa ku noolaa dad ka badan  300,000 oo ruux oo intooda badan ay Soomaali yihiin tan iyo 1991.

Dowladda Kenya ayaa waxa ay aaminsantahay in maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab ay ku dhuumaaleystaan xeryaha dadkaas ay ku nool yihiin sidaa darteedna waxaa ay u xusul duubaysaa in si deg deg ah albaabada la isugu dhufto.

 

Previous Post

Madaxweynaha oo gaaray Jowhar

Next Post

Madaxweynaha oo mar kale furey shirka maamul u sameynta Hiiraan & Sh/dhexe-Sawirro

Next Post
Madaxweynaha oo mar kale furey shirka maamul u sameynta Hiiraan & Sh/dhexe-Sawirro

Madaxweynaha oo mar kale furey shirka maamul u sameynta Hiiraan & Sh/dhexe-Sawirro

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026
0

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a meeting between...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026

February 20, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey...

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

February 20, 2026
0

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran  iyo kuwa barakacayaasha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In