Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adda lacagta aduunka oo sheegtay inay Soomaaliya ka gudubtay qeybta koowad wajigiisa afaraad ee Barnaamijka dayn cafinta

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Hey’adda lacagta aduunka oo sheegtay inay Soomaaliya ka gudubtay qeybta  koowad wajigiisa afaraad ee Barnaamijka dayn cafinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Warbixin ay hey’adda Lacagta aduunka ka soo saartay wada hadalka dayn cafinta

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026

Soomaaliya ayay ku sheegtay in masuuliyiinta Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagtu ay

la isla garteen dhameystirka qeybta koowaad ee wajiga afaraad ee wada hadalka

dayn cafinta (SMP4).

“Masuuliyinta Soomaaliya waxa ay sii wadeen go’aankooda horumrinta dhaqaalaha

iyo dib u habeynta hey’adaha maaliyada waana talaabo taageeraysa qanaacada ka

gudbida shuruudaha horyaala Barnaamijka dabagalka dayn cafihnta” ayaa lagu yiri

Warbixinta IMF.

Kooxda Wadahadalka dayn cafinta oo ay hogaaminaysa Allison Holland waxay

Addis Ababa Itoobiya kula kulmeen 10 kii ilaa 13 kii Semtember masuuliyinta

Soomaaliya si looga wada hadlo qeybta koowaad ee wajiga afaraad ee daynta

cafinta oo ku jireen kor u qaadista dakhliga dalka, xoojinta maamulka maaliyadda,

sugida degaanashaha dhaqaalaha, iyo xoojinta shuruucda oo ay ku jiraan ka

hortagida lacag dhaqo iyo maalgalinta argagaxisada

Dhamaadka booqashada Allison Holland hogaanka wada hadalka daynta cafinta

IMF waxay tiri.

“Doodii mira dhalka aheed ee ay wada yeesheen masuuliyiinta IMF iyo Soomaaliya

waxay ay heshiis ku gaareen in la dhameystiran qeybta koowaad ee wajiga afaraad

ee barnaamija dabagalka daynta, waxaana heshiisku sugaya ansixinta maamulka

hey’adda lacaga aduunka “

“Kobaca dhaqaalaha waa mid dagan 2.9 boqolkiiba 2019 sicirka suuqase kor ayuu

u kacay si ku meel gaar ah ilaa 4.0 boqolkiiba waxaana sabab u ah qiimaha sareeya

ee cunada oo ay keeneen roob yaridii dhacday horaantii sanadkaan, adkaashaha

xaaladaha amaanka iyo isbadalka cimilada” ayay tiri IMF.

“Hey’adda lacagta aduunka waxaay soo dhaweynaysaa sida masuuliyinta

Soomaaliya ay uga go’antahay fulinta dib u habeyntii shuruudihii loo qaabeeyay

qeybta koowaad, dib u habeyntaasi waxa cabirkeedu ahaa gaariska hadafyada

wajiga afaraad waana la wajahay, inkastoo wali ay qataro jiraan hadane waxaa la

sameeyay horumar kuwaas oo u gogol xaaraya ka guul gaarida qeybta labaad ee

wajiga afaraad”

“Hannaanka maamulka maaliyadda waxa uu ku joogaa wadadii la rabay, uruurinta

dakhliga biloowgii sanadkaan ilaa July 2019 waxaa uu ka sara maray intii la filayay,

kooxda IMF waxay soo dhaweysay nidaamka cusub ee lacagaha moobilka la isugu

diro kaasoo muhiim u ahaa barnaajikan iyo deganaashaha dhaqaalaha “

“waxaan ku faraxsanahay go’aanka wadajirka ah ee wasiirada maaliyada dowlad

goblleedka iyo wasiirka maaliyadda dowladda federaalka si loo hubiyo ka guul

gaarida Barnaamijka dayn dhaafka iyo in meel la iska dhigo kala duwanaanta

siyaasada

Hey’adda lacagta aduunku waxa ay dhiiragalinaysa joogteynta wada shaqeynta

dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada si loo wajaho qataraha ku hor

gudban baranaamijkan”

“Masuuliyiinta waxa looga baahan yahay adkeynta go’aankooda ka guul gaarida

wajiga afaraad si loo gaaro shirweynaha go’aan gaarista dayn cafinta, masuulyintu

waxa kale oo way wadajir uga shaqeeyeen qorshaha sagaalaad ee horumarinta

qaranka oo ay ugu talagaleen in lagu wajaho shuruudaha hal abuurka kama

dambeysta ah ee deyn cafinta oo ay ku irto yaraynta faqriga oo la dhameystiray”

“Si loo gaaro hadafka hal abuurka kama dambeysta ee deynta cafinta sida ugu

dhaqsiyaha badan uguna macquulsan waxaa lagama maarmaan ah taageero

xooggan oo beesha caalamku ku bixiyaan si loo hubiyo in Soomaaliya gaartay

halkii ay uga baahneeyeen hey’adaha dhaqaalaha caalamka iyo dayn dhaafka”

“Inta lagu jiray booqashada wafdiga Hey’adda lacagta aduunka matalayay waxay

kooxdu lakulmeen wasiirka MAaliyada Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,

Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Xasan, Guddoomiyaha

Bangiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi,iyo masuuliyiin kale waxay

kale oo ay la kulmeen warbixinna ka siiyaan halka ay waxmarayaan guddiga

Maaliyadda Baarlamakaanka., Deeq bixiyayaasha iyo hey’adaha kale oo qeybta ka

ah barnaamijka dayn cafnta”

“Kooxda Barnaamijka dabagalka dayn cafinta waxa ay ku casuumeen Bangiga

aduunka, Midoowga Yurub iyo wasiirada Maaliyadda dowladaha xubnaha ka ah

dowladda federaalka Soomaaliya aqoon isweydaarsi ku saabsana caqabadaha iyo

fursadaha horyaala deyn dhaafka kaasi oo dhacay 14 september.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay shir looga hadlay amniga iyo xoreynta Dalka

Next Post

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir oo xariga ka jaray Xarunta CID oo dib u habeyn balaaran lagu sameeyay+Sawirro

Next Post
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir oo xariga ka jaray Xarunta CID oo dib u habeyn balaaran lagu sameeyay+Sawirro

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir oo xariga ka jaray Xarunta CID oo dib u habeyn balaaran lagu sameeyay+Sawirro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In