hey’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay weerarkii argagixiso ee dhagar qabayaal ka tirsan Shabaab ku qaadeen xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in hey’addu ka hortagtay weerarkii Xalane iyo weeraro kaloo argagixiso oo lagu wax yeeleeyn lahaa ummadda Soomaaliyeed, iyadoo fashilisay shakabado argagixiso oo maleegayay dhibaatooyin ka dhan ah shacabka iyo dowladda.