Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adda Socdaalka oo tababar u soo xirtay howlwadeeno ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Hey’adda Socdaalka oo tababar u soo xirtay howlwadeeno ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Kornayl Cusmaan Xasan Cosoble ayaa u soo xiray tababar u socday saraakiil ka kala socota Hey’adda Socdaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Tababarka oo ku saabsanaa ka hortagga cudurka safmarka ah ee CoronaVirus iyo Maamulka xuduudaha, ayaa ujeedada loo qabtay waxay tahay xiligaan oo ay jiraan dhibaatooyinku sidii saraakiisha safka hore ee ka howlgala Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, sare loogu qaadi lahaa aqoontooda iyo xirfaddooda si ay uga hortagaan cudurka degdega u faafa ee CoronaVirus.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Tababarkaan oo socday mudo 4 maalmood ah  ayaa waxaa soo qabanqaabisay Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, oo dhanka fududeynta iyo bixinta casharada tababarkaba la kaashatay Hey’adda Socdaalka Qaramada Midoobay (IOM)

Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Kornayl, Cusmaan Xasan Cosoble oo tababarka soo xiray ayaa sheegay in Hey’adda Socdaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka ay labaduba  ka howlgalaan xuduudaha Dalka ayna muhiim tahay in aqoontooda iyo xirfadoodaba sare loo qaado. Sidoo kale Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ayaa saraakiisha kula dardaarmay in ay kula noqdaan aqoonta ay ku barteen Tababarka Xafiisyada ay ka kala shaqeeyaan, dhanka kalena waxa uu u  rajeeyey inay wax badan ka badali doonaan habka ay iminka u shaqeeyaan.

Ugu dambeyn Saraakiisha ka qeybqaadatay tababarkan ayaa la gudoonsiiyay Shahaado ka marqaati kaceysa Cilmiga ay barteen afartii maalmood ee uu Tababarku u socday.

Previous Post

Ibrahim Cumar oo noqday Afrikaankii ugu horeeyay ee ka mid noqda baarlamaanka Dalka New Zealand

Next Post

Trump iyo Obama oo ay Kaga Dhex Tolantay Doorashada Mareykanka

Next Post
Trump iyo Obama oo ay Kaga Dhex Tolantay Doorashada Mareykanka

Trump iyo Obama oo ay Kaga Dhex Tolantay Doorashada Mareykanka

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In