Saturday, August 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Trump iyo Obama oo ay Kaga Dhex Tolantay Doorashada Mareykanka

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Trump iyo Obama oo ay Kaga Dhex Tolantay Doorashada Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo ninka isaga xilka kaga horeeyay  Barack Obama ayaa ereyo kul kulul is dhaafsaday intii ay  socodeen isu soo bax dadweyne oo ka kala dhacaya gobolada Mareykanka.

Obama ayaa Trump ku eedeeyay in uu yahay cunsuri ay ku fogaatay sareynta caddaanka, dhankiisa madaxweyne Trump oo ka hadlayay kulan lagu qabtay gobolka North Carolina ayaa Barack Obama ku durey in uu isku dayay sidii uu u khaldi lahaa natiijada doorashadii 2016 ka dhacday Mareykanka.

Related posts

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026

13 maalin ayaa ka harsan codbixinta madaxtinimada Mareykanka ee sadexda bisha November, gobolo tiro yar ayaana ay kuwa go’aaminaya natiijada doorashada November.

42 oo qof ayaa codkooda dhiibtay  ilaa iyo hadda, kuwaas oo intooda badan ku codeeyay adeega boostada.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ololihiisa uu aad u sareeyo, halka ninka ay loolamayaan ee Joe Biden uu ku tilmaamay in uu sii liidanayo.

Mr. Biden ayaa isu diyaarinaya doodda caawa uu la yeelan doona madaxweynaha Mareykanka, dhinaca kale,Trump waxaa uu xoogga saareyaa sidii u qasban lahaa codadka dadweynaha gobolada muhiimka ah ee Mareykanka.

Donald Trump ayaa Obama ku eedeeyay in uusan laheyn mowqif cad oo ku aadan cidda qabanaysa hogaanka Mareykanka, isagoo sheegay in Obama uu ka labo labeeyay in ku xigeenkiisii Biden u xusho murashaxa xisbiga Dimoqraadiga.

2016, madaxweyne Obama ayaa la sheegay in Mr. Biden uu ku caddaadiyay in uu u tanaasulo Hillary Clinton, isagoo aaminsanaa in ay ka adkaan karto Trump.

Madaxweynihii hore, Barack Obama oo ka hadlayay, kulan ka dhacay magaaladda Philadelphia ayaa si weyn ugu dhaliilay siyaasadda Trump ee ku aadan wax ka qabashada cudurka safmarka ah ee COVID-19 oo Mareykanka si weyn u saameeyay.

Obama ayaa yiri, haddii Mr. Biden guuleysto “ ma noqon doono madaxweyne qof kasta caaya isla markaana dadka ugu hanjaba in uu xiri doono. Taasi hab-dhaqan madaxweyne ma ahan”.

Mr. Obama oo kamid ah dadka caanka ah ee xisbiga dimoqraadiga ayaa codbixiyeyaasha Mareykanka ku boorinaya in ay doortaan Joe Biden, isagoo kulamo olole dadweyne ku qaban doona gobolada muhiimka ah sida; Florida, magaalada Miami iyo Orlando oo uu sabtida ku wajahan yahay.

Previous Post

Hey’adda Socdaalka oo tababar u soo xirtay howlwadeeno ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka “SAWIRRO”

Next Post

FBI oo Sheegtay in Russia iyo Iran Hayaan Xogta Codbixiyeyaasha Mareykanka

Next Post
FBI oo Sheegtay in Russia iyo Iran Hayaan Xogta Codbixiyeyaasha Mareykanka

FBI oo Sheegtay in Russia iyo Iran Hayaan Xogta Codbixiyeyaasha Mareykanka

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

Ciidanka Xoogga Dalka  oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

August 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

August 22, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In