Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Trump iyo Obama oo ay Kaga Dhex Tolantay Doorashada Mareykanka

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Trump iyo Obama oo ay Kaga Dhex Tolantay Doorashada Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo ninka isaga xilka kaga horeeyay  Barack Obama ayaa ereyo kul kulul is dhaafsaday intii ay  socodeen isu soo bax dadweyne oo ka kala dhacaya gobolada Mareykanka.

Obama ayaa Trump ku eedeeyay in uu yahay cunsuri ay ku fogaatay sareynta caddaanka, dhankiisa madaxweyne Trump oo ka hadlayay kulan lagu qabtay gobolka North Carolina ayaa Barack Obama ku durey in uu isku dayay sidii uu u khaldi lahaa natiijada doorashadii 2016 ka dhacday Mareykanka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026

13 maalin ayaa ka harsan codbixinta madaxtinimada Mareykanka ee sadexda bisha November, gobolo tiro yar ayaana ay kuwa go’aaminaya natiijada doorashada November.

42 oo qof ayaa codkooda dhiibtay  ilaa iyo hadda, kuwaas oo intooda badan ku codeeyay adeega boostada.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ololihiisa uu aad u sareeyo, halka ninka ay loolamayaan ee Joe Biden uu ku tilmaamay in uu sii liidanayo.

Mr. Biden ayaa isu diyaarinaya doodda caawa uu la yeelan doona madaxweynaha Mareykanka, dhinaca kale,Trump waxaa uu xoogga saareyaa sidii u qasban lahaa codadka dadweynaha gobolada muhiimka ah ee Mareykanka.

Donald Trump ayaa Obama ku eedeeyay in uusan laheyn mowqif cad oo ku aadan cidda qabanaysa hogaanka Mareykanka, isagoo sheegay in Obama uu ka labo labeeyay in ku xigeenkiisii Biden u xusho murashaxa xisbiga Dimoqraadiga.

2016, madaxweyne Obama ayaa la sheegay in Mr. Biden uu ku caddaadiyay in uu u tanaasulo Hillary Clinton, isagoo aaminsanaa in ay ka adkaan karto Trump.

Madaxweynihii hore, Barack Obama oo ka hadlayay, kulan ka dhacay magaaladda Philadelphia ayaa si weyn ugu dhaliilay siyaasadda Trump ee ku aadan wax ka qabashada cudurka safmarka ah ee COVID-19 oo Mareykanka si weyn u saameeyay.

Obama ayaa yiri, haddii Mr. Biden guuleysto “ ma noqon doono madaxweyne qof kasta caaya isla markaana dadka ugu hanjaba in uu xiri doono. Taasi hab-dhaqan madaxweyne ma ahan”.

Mr. Obama oo kamid ah dadka caanka ah ee xisbiga dimoqraadiga ayaa codbixiyeyaasha Mareykanka ku boorinaya in ay doortaan Joe Biden, isagoo kulamo olole dadweyne ku qaban doona gobolada muhiimka ah sida; Florida, magaalada Miami iyo Orlando oo uu sabtida ku wajahan yahay.

 

Previous Post

Hey’adda Socdaalka oo tababar u soo xirtay howlwadeeno ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka “SAWIRRO”

Next Post

FBI oo Sheegtay in Russia iyo Iran Hayaan Xogta Codbixiyeyaasha Mareykanka

Next Post
FBI oo Sheegtay in Russia iyo Iran Hayaan Xogta Codbixiyeyaasha Mareykanka

FBI oo Sheegtay in Russia iyo Iran Hayaan Xogta Codbixiyeyaasha Mareykanka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In