Thursday, July 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hidaha iyo dhaqanka Soomaalida oo lagu soo bandhigay magaalada Pretoria “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 21, 2017
in Wararka
0
Hidaha iyo dhaqanka Soomaalida oo lagu soo bandhigay magaalada Pretoria “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka oo uu soo abaabulay Xafiiska Hidaha iyo Dhaqanka Safaaradda Soomaaliya ee Koofur Africa, ayna ka soo qeyb galeen Madax ka socoto Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee K/Afrika, Madax matalayaysay Hayโ€dda Q.M ee UNDP, Safaaradaha Mareykanka, Sweden, Sudan, Koofurta Kuuriya, aqoonyahano ka socday qaar ka mid ah Jaamacaha Dalka, Ganacsto, waxgarad iyo kooxda Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee Johannseburg ayaa lagu qabtay magaalada Pretoria.

U Qaabilsanaha Safaarada Soomaaliya ee dhanka Hidaha iyo dhaqanka Cabdi Xalane Hirsi ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu yahay sidii bulshada loo turi lahaa waxyaabaha u gaarka ah dhaqanka Soomaalida.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beniโ€™aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beniโ€™aadannimo

July 17, 2025
Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

July 17, 2025

“Dhaqanke Soomaaliyeed ee maanta aduunka meel walba yaala in dadkaas ay dhaqankeeena bartaan, sida uu u shaqeeyo, in dadkaan iska socda aysan aheyn qaxooti kali ah, fariintaan ayaan rabnay aduunka in aan tusno oo ah dhaqankaas Soomaaliyeed laga gado sida ay tahay Soomaaliyadii shalay Soomaaliyada maanta iyo Soomaaliyada bari” ayuu yiri Cabdi Xalane.

Sidoo kale xafladda waxaa lagu soo bandhigay taariikh-da siyaasadda, dhaqanka, dhaqaalaha, ganacsiga Soomaalida kheyraadka uu leeyahay dalka berri iyo bad iyo waliba cayaaraha iyo hidaha dhaqanka ay Soomaalida qaniga ku yihiin, waxaa sido kale goobta lagu soo bandhigay 9-ka Madaxweyne ee soo martay Soomaaliya 57-dii sano ee lasoo dhaafay.

Dr Ezekiel Moraka ku xigeenka Hogaanka Jaamacadda Tshwane University of Technology oo kulanka ka hadlay waxaa uu sheegay in kulankaan la isugu yimid ay ku arkeen dhaqanka Soomaalida ay qaniga ku tahay sida uu ahaa waqtigii hore maanta sida uu yahay iyo sida uu noqon doono Mustaqbalka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka South Africa Dr Jamaal Barrow oo kulanka soo gaba gabeeyay ayaa ka hadlay taariikh-da dadka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Hadii aad rabto in aad aragto Soomaaliya waxaad fiirisaa Jaaliyadda Soomaalida halkaan joogta, waxaa ay u bareereen dhibka halkaan ka jira waxa ay abuurteen ganacsiyada yaryar kuwaa oo ay meel wanaagsan kaga jiraan ayaga oo qaxooti ah” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Dalka Koonfur Afrika.

Marka kulanka uusoo dhamaaday kadib ayaa ii suuragashay in aan dareenkooda waydiiyo qaar ka mid ah Diblomaasiyiintii kasoo qeybgashay iyo waliba Ardayda Soomaalida ee dalkaan wax ka barata.

Kulankaan ayaa kusoo idlaadau jawi aad u wanaagsan, waxaana safaarada ay balan qaaday in la joogteyn doono bandhigyada noocaan oo kale ah si Caalamka loogu muujiyo Soomaaliya in ay tahay dal madax banaan oo ka mid ah dalalka Qaaradda africa ugu kheyraadka badan.

Abdullahi Maxamuud Amiin “C/laahi Qorshe”

Johannesburg-South Africa.

Previous Post

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo gaaray Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Dalka Koofur Africa “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Dalka Koofur Africa “SAWIRRO”

Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Dalka Koofur Africa "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beniโ€™aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beniโ€™aadannimo

July 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), nudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka qeybgalay kulan heer sare ah oo ay isugu yimaadeen...

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

July 17, 2025
0

Muddo haatan laga joogo 35 sano kadib, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay war laliskii ugu horeeyay...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

July 17, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cabdirahman Daahir Guure (Karoorre) iyo Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali...

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐๐š ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐š.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoominayay Raโ€™iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In