Wararka ka imaanaya Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Saldhigyo maleeshiyada Shabaab ay ku lahaayeen inta u dhaxeysa Degmada Buule burte iyo deegaanka Halgan la burburiyay.
Ciidamada Xoogga qeybta 27-aad guutada 5aad ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Gobolka Hiiraan ku bur buriyay saldhig maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen inta u dhaxeysa Degmada Buule burte iyo deegaanka Halgan, waxaana ay ciidamada la wareegeen goobtii maleeshiyada laga buriyay.
Qaar ka mid ah saraakiisha howlgalka hogaamineysay ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii dib loo furi lahaa wadadda u dhexeysa Buula burte iyo magaalada Beledweyne, si looga hortago inay dhuumaaleysi ku soo galaan jidka.
Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Hiiraan Ibraahim Muxamed Geeddi ayaa ku soo waramay in howlgalka uu weli socdo, isla markaana saraakiisha ay xaqiijiyeen inay warbaahinta u soo gudbin doonaan qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay howlgalka.