Hay`adda sirdoonka Mareykanka ee loo yaqaan Federal Bureau of Investigation (FBI) ayaa shaaca ka qaaday in ay soo af-jareen baaristii ay ku hayeen waraaqaha E-mailada musharrax Hillary Clinton.
Waxey sheegtay FBI-da in ay ku waayeen wax dambi ah musharrax Hillary Clinton. islamarkaana ay dul mareen dhammaan waraaqaha E-mailadeeda ee boqolaalka kun kor u dhaafaya.
Eedeymaha loo soo jeediyay Hillary ee ku aadan waraaqahan ayaa soo noq-noqday mudooyinkan dambe, waxaana dhacdadan baaris ee ugu dambeysay dib loo furay labo isbuuc ka hor.
Madaxa baarista FBI-da ee kiiskan James Comey ayaa yiri “Waxaan baarnay dhammaan waraaqihii loo soo diray ama ay dirtay Hillary mudadii ay aheyd wasiirka arrimaha dibedda, waxaana inaga oo ku saleyneyna baaristeena aan waxba ka badelin gunaanedkii aan arrintan kasoo saarnay bishii Luulyo ee aheyd in aan wax dambi ah arag”.
Musharax Hillary ayaa lagu haysaa in ay adeegsatay oo ay cinwaanno gaar ah oo aan loo marin kuwa wasaaradda arrimaha dibedda ka dirtay waraaqo.
Dhanka kale musharraxa la tartamaya Hillary ee Donald Trump ayaa ka hadlay soo af-jaridda kiiska Hillary Clinton, waxa uuna yiri isaga oo ku suga gobolka Minnesota “Hillary Clinton waa dambiile, way ogtahay, FBI-dana way ogyihiin, shacabkuna waa ogyahay, marka waxaa la rabaa in caddaaladda ay ku muujiyaan shacabka maalinta codbixinta ee 8. november.”
Kiiska Hillary ee la xiriira waraaqahan ayaa soo bilowday horraantii sanadkan, markaas oo ay FBI-du ku bilowday baaris iyo dabagal