Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka oo laga hadlay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka oo laga hadlay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Tababbarka Guddihoosaadyada, kuwaas oo qeyb ka noqonayo hirgelinta siyaasadda “maanta waa maalin aad muhiim ugu ah dib u habaynta shaqaalaha, tababbarka ka dib waxa idin fuulayo masuuliyad weyn, waxa la idinkaga baahan yahay in aad si dhab ah uga qeyb qaadataan howlaha socda”

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo kalimad ka jeediyey furitaanka ayaa xusay “in dib u habaynta shaqaalaha ay soo martay marxalado kala duwan, iyadoo hadda qorshuhu yahay in laga guuro qaabka ay u nidaamsan yihiin darajooyinka jira loona guuro darajooyin waafaqsan halbeegyada caalamiga ah. Guddiyada maanta uu u billaabanayo tababbarka waxa ay laf dhabar u yihiin fulinta howshan, sidaas darteed, cid kasta waxa lagula xisaabtami doonaa mas’uuliyaddeeda”.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Tababbarkan oo ay bixinayaa Xubnaha Guddiga Farsamada ee hirgelinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka ayaa diiradda lagu saari doonaa, sidii xubnaha guddi-hoosaadyada waxa uga baran lahaayeen; siyaasaddda, xeerka kala xadeynta Xukuumadda, kala saaridda & qiimeynta shaqooyinka, iswaafajiynta mushaarka, shaqada & darajada u qalanta, qiimeeynta waxqabad ku salaysan natiijo, in la abuuro hannaan si xaqsoor ah isugu jaangoynaya xuquuqda, shaqada, & howlqabadka shaqaalaha iyo mowduucya kale oo quseeya arrimaha maamulka iyo maareynta shaqaalaha rayidka oo ay ka mid tahay dib u eegista iyo sameynta qaabdhismeeyada.

Tababbarkaan ayaa ah bar-bilow wanaagsan iyo tilaabo horay loo qaaday, iyadoo isbuuccii hore uu Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre uu daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka Dowladda isgaoo amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaqangeliyo siyaasadaan muhiimka u ah horumarinta iyo xoojinta adeegyada Dowladda.

Muddada uu socdo tababbarkan waxa ka faa’iideysanaya Guddihoosaadyo laga dhisay dhammaan Wasaarada iyo Hay’adaha dowladda, kuwaas oo ay hormuud u yihiin Agaasimeyaasha Guud.

 

 

Previous Post

Doorka firfircoon ee ay Soomaaliya kaga jirto BBA oo la bogaadiyay

Next Post

Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Next Post
Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In