Saturday, May 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka oo laga hadlay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 26, 2025
in Wararka
0
Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka oo laga hadlay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Tababbarka Guddihoosaadyada, kuwaas oo qeyb ka noqonayo hirgelinta siyaasadda “maanta waa maalin aad muhiim ugu ah dib u habaynta shaqaalaha, tababbarka ka dib waxa idin fuulayo masuuliyad weyn, waxa la idinkaga baahan yahay in aad si dhab ah uga qeyb qaadataan howlaha socda”

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo kalimad ka jeediyey furitaanka ayaa xusay “in dib u habaynta shaqaalaha ay soo martay marxalado kala duwan, iyadoo hadda qorshuhu yahay in laga guuro qaabka ay u nidaamsan yihiin darajooyinka jira loona guuro darajooyin waafaqsan halbeegyada caalamiga ah. Guddiyada maanta uu u billaabanayo tababbarka waxa ay laf dhabar u yihiin fulinta howshan, sidaas darteed, cid kasta waxa lagula xisaabtami doonaa mas’uuliyaddeeda”.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

May 23, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

May 22, 2025

Tababbarkan oo ay bixinayaa Xubnaha Guddiga Farsamada ee hirgelinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka ayaa diiradda lagu saari doonaa, sidii xubnaha guddi-hoosaadyada waxa uga baran lahaayeen; siyaasaddda, xeerka kala xadeynta Xukuumadda, kala saaridda & qiimeynta shaqooyinka, iswaafajiynta mushaarka, shaqada & darajada u qalanta, qiimeeynta waxqabad ku salaysan natiijo, in la abuuro hannaan si xaqsoor ah isugu jaangoynaya xuquuqda, shaqada, & howlqabadka shaqaalaha iyo mowduucya kale oo quseeya arrimaha maamulka iyo maareynta shaqaalaha rayidka oo ay ka mid tahay dib u eegista iyo sameynta qaabdhismeeyada.

Tababbarkaan ayaa ah bar-bilow wanaagsan iyo tilaabo horay loo qaaday, iyadoo isbuuccii hore uu Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre uu daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka Dowladda isgaoo amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaqangeliyo siyaasadaan muhiimka u ah horumarinta iyo xoojinta adeegyada Dowladda.

Muddada uu socdo tababbarkan waxa ka faa’iideysanaya Guddihoosaadyo laga dhisay dhammaan Wasaarada iyo Hay’adaha dowladda, kuwaas oo ay hormuud u yihiin Agaasimeyaasha Guud.

 

 

Previous Post

Doorka firfircoon ee ay Soomaaliya kaga jirto BBA oo la bogaadiyay

Next Post

Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Next Post
Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

May 23, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamud Macallim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador Jamaal Maxamed Xasan Madaxa xarunta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

May 22, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka. Kormeerkan ayaa qeyb ka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

May 22, 2025
0

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa todobaadlaha ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee...

Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

May 22, 2025
0

Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa gobolka Jubbada hoose ku soo bandhigay hubkii ay ka soo furteen Khawaarijta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In