Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hirsabeelle oo ku baaqday in laga qeyb qaato wax ka qabashada saamaynta ka dhalatay fatahaaddii Webiga Shabeelle

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Hirsabeelle oo ku baaqday in laga qeyb qaato wax ka qabashada saamaynta ka dhalatay fatahaaddii Webiga Shabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Biyaha iyo degaanka ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Shuceyb C/kariin Muumin, ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay in ay gacan ka geysato, wax ka qabashada dhibaatooyinkii ka dhashay fatahaadda Webiga iyo sidii dayactir loogu samayn lahaa Biyo xireenka Sabuun ee Magaalada Jowhar.

Mudane; Shucayb, ayaa sheegay in ay Dowladda dhexe u soo dirtay Shacabka reer Hirshabeelle wafdi ka socda, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha,Kheyraadka Biyaha, Beeraha,qorsheynta, gargaarka iyo xubno ka socday hay’adda Muslim Aid, si ay Indha-indhayn ugu sameeyaan Beerihii ay Biyaha jareen iyo Dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Wasiirka oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in waxyeellada ugu badan ay soo gaadhay Beeralayda yar-yar oo xilliyadii uu Webiga marnaa Gacntooda ku waraabiyay dalagyadii u beernaa, haatanna ay Biyaha webiga baabi’iyeen.

Wuxuuna Shacabka iyo inta awoodda u lehba ugu baaqay in laga qeyb qaato wax ka qabashada saamaynta ka dhalatay fatahaaddii Webiga Shabeelle iyo wax u qabashada Dadkii ku waxyeelloobay oo intooda badan ka bara-kacay Tuulooyinkii ay deggenaayeen.

Previous Post

Wasaaradda Batroolka oo heshiis la gashay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo qaabilsan Shidaalka

Next Post

Xeer-ilaalinta Qaranka oo Muqdisho ku qabatay Kulan looga hadlayay dhaqan gelinta Xaashida Dhaawac muujinta+sawirro

Next Post
Xeer-ilaalinta Qaranka oo Muqdisho ku qabatay Kulan looga hadlayay dhaqan gelinta Xaashida Dhaawac muujinta+sawirro

Xeer-ilaalinta Qaranka oo Muqdisho ku qabatay Kulan looga hadlayay dhaqan gelinta Xaashida Dhaawac muujinta+sawirro

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In