Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hobyo: Kalluumeysato la guddoonsiiyay qalab ay ku shaqeystaan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Hobyo: Kalluumeysato la guddoonsiiyay qalab ay ku shaqeystaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Dekaddaha, Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug oo garab ka helaysa Hay’adda FOA ayaa maanta qalab kallumaysi u qeybisay in ka badan 22 ka mid ah kallumaysatada Degmada Hobyo iyo degaannada hoos yimaada, kuwaas oo isugu jiray Rag iyo Haween, si sare loogu qaado wax soo saarka kalluumaysatada degaannada Galmudug iyo ciribtiridda saamaynta ay burcad badeednimadu ku yeelatay Kalluumaysatada degaanka.

Kalluumaysatadaan la qalabeeyey waxaa qeyb ka 10 dhallinyara oo Wasaaradda u soo tababartay habka looga faa’iidaysto khayraadka badda iyo sare u qadista wax soo saarkooda, munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Wasaradda iyo maamulka Degmada Hobyo.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

January 29, 2026
Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

January 29, 2026

Isu duwaha Wasaaradda Dekadda iyo Kalluumaysiga Duraan Cabdi Cali iyo Agaasimaha Wasaaradda Cabdirashiid Maxamed ayaa sheegay in agabkan loogu talagalay sidii loo dhiiri gelin lahaa dhallinyarada Kalluumeysatada ah.

Qaar ka mid ah Kalluumaysatada ka faa’iidaysatay agabkaan ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda iyo Hay’adda FOA qalabkan oo ay sheegeen inay baahi weyn u qabeen, isla markaana uu wax wayn ka tari doono howlahooda shaqo.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Hobyo Maxamed Cawaale ayaa sheegay in agabkaan uu ka saacidayo Kalluumaysatada wax soo saarkooda, isla markaana uu shaqo abuur wanaagsan u noqdo dhallinyarada reer Galmudug.

Previous Post

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay wakiilka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan Carabta

Next Post

Kulan lagu dhiiri gelinayo wax soo saarka beeraleyda Gobolka Shabeelaha Dhexe oo lagu qabtay Jowhar “SAWIRRO”

Next Post
Kulan lagu dhiiri gelinayo wax soo saarka beeraleyda Gobolka Shabeelaha Dhexe oo lagu qabtay Jowhar “SAWIRRO”

Kulan lagu dhiiri gelinayo wax soo saarka beeraleyda Gobolka Shabeelaha Dhexe oo lagu qabtay Jowhar “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

January 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Shirka...

Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

January 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Riyadh heshiis iskaashi kula saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga,...

Danab oo burburiyay Keydka Miinooyin oo Khawaariijtu ku lahaayeen Shabeellada Dhexe.

Danab oo burburiyay Keydka Miinooyin oo Khawaariijtu ku lahaayeen Shabeellada Dhexe.

January 29, 2026
0

Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ku guuleystay inuu gacanta ku dhigo keyd miinooyin ah oo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In