Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hobyo: Kalluumeysato la guddoonsiiyay qalab ay ku shaqeystaan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Hobyo: Kalluumeysato la guddoonsiiyay qalab ay ku shaqeystaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Dekaddaha, Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug oo garab ka helaysa Hay’adda FOA ayaa maanta qalab kallumaysi u qeybisay in ka badan 22 ka mid ah kallumaysatada Degmada Hobyo iyo degaannada hoos yimaada, kuwaas oo isugu jiray Rag iyo Haween, si sare loogu qaado wax soo saarka kalluumaysatada degaannada Galmudug iyo ciribtiridda saamaynta ay burcad badeednimadu ku yeelatay Kalluumaysatada degaanka.

Kalluumaysatadaan la qalabeeyey waxaa qeyb ka 10 dhallinyara oo Wasaaradda u soo tababartay habka looga faa’iidaysto khayraadka badda iyo sare u qadista wax soo saarkooda, munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Wasaradda iyo maamulka Degmada Hobyo.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Isu duwaha Wasaaradda Dekadda iyo Kalluumaysiga Duraan Cabdi Cali iyo Agaasimaha Wasaaradda Cabdirashiid Maxamed ayaa sheegay in agabkan loogu talagalay sidii loo dhiiri gelin lahaa dhallinyarada Kalluumeysatada ah.

Qaar ka mid ah Kalluumaysatada ka faa’iidaysatay agabkaan ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda iyo Hay’adda FOA qalabkan oo ay sheegeen inay baahi weyn u qabeen, isla markaana uu wax wayn ka tari doono howlahooda shaqo.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Hobyo Maxamed Cawaale ayaa sheegay in agabkaan uu ka saacidayo Kalluumaysatada wax soo saarkooda, isla markaana uu shaqo abuur wanaagsan u noqdo dhallinyarada reer Galmudug.

Previous Post

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay wakiilka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan Carabta

Next Post

Kulan lagu dhiiri gelinayo wax soo saarka beeraleyda Gobolka Shabeelaha Dhexe oo lagu qabtay Jowhar “SAWIRRO”

Next Post
Kulan lagu dhiiri gelinayo wax soo saarka beeraleyda Gobolka Shabeelaha Dhexe oo lagu qabtay Jowhar “SAWIRRO”

Kulan lagu dhiiri gelinayo wax soo saarka beeraleyda Gobolka Shabeelaha Dhexe oo lagu qabtay Jowhar “SAWIRRO”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In