Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamada sare ee CQ oo ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay Maxkamada darajada 1-aad ugu xukuntay Ex-G/Sare C/naasir Xoosh Maxamed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Maxkamada sare ee CQ oo ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay Maxkamada darajada 1-aad ugu xukuntay Ex-G/Sare C/naasir Xoosh Maxamed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ay ugu xukuntay danbiile gacan ku dhiigle Ex-Gaashaanle sare Xoogga dalka C/naasir Xoosh Maxamed ka dib markii lagu helay dilka Alle ha u naxariistee Marxuum Ex-Generaal Siciid Aadan Yuusuf (Mariino) oo ka tirsanaa Ciidamada Badda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida Janaral Liibaan Cali Yarow ayaa warbaahinta u akhriyay Xukunka.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

“ Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida markii ay aragtay racfaanka Gaashaanle sare Xoogga dalka C/naasir Xoosh Maxamed oo ahaa taliyihii raxanta doomaha ciidamada Badda Xoogga dalka Soomaaliya,markii ay aragtay Xukunka Maxkamada darajada koowaad ciidamada Xoogga dalka ee soo baxay 20/2/2018-ka,oo ay ku xukuntay Gaashaanle sare Xoogga dalka Gaashaanle sare C/naasir Xoosh Maxamed dil toogasho ah.”

Wuxuuna Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida Janaral Liibaan Cali Yarow sheegay in markii la dhageystay doodii dhinacyada xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida iyo qareenkii difaacayay rafcaanlaha Ex-Gaashaanle sare C/naasir Xoosh Maxamed inuu yahay danbiile galay danbigii lagu soo oogay,isagoona hadalkiisa intaasi raaciyay in Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ay ku raacday Xukunkii Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida horay ugu xukuntay danbiile C/naasir Xoosh Maxamed oo ahaa xukun dil ah oo loogu qisaasayo dilkii uu u geystay Alle ha u naxariistee Marxuum Ex-Generaal Siciid Aadan Yuusuf (Mariino).

C/naasir Xoosh Jabriil oo 54-sano jir ah oo ka warbixiyay garsoorka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa qirtay in Xabad ka dhacday Bastoolad uu watay madaxa ka haleeshay Marxuum Ex-Generaal Siciid Aadan Yuusuf (Mariino),sidaasina u geeriyooday.

Previous Post

Suuriya oo Israa’iil ku eedaysay weerrarkii saldhiggeeda cirka

Next Post

Xoogga Dalka waa Laf dhabarka qaranimada Soomaaliya

Next Post
Xoogga Dalka waa Laf dhabarka qaranimada Soomaaliya

Xoogga Dalka waa Laf dhabarka qaranimada Soomaaliya

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In