Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hooyo Soomaaliyeed oo codsatay in lagu caawiyo siideynta wiilkeeda oo ku xiran Liibiya “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Dhallinyaro ku xiran dalka Sudan oo laga dayrinayo xaaladda ay ku noolyihiin “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Axmed  Saalax   oo  22 sano jir   waxaa uu ka dhashay  qoys sabool ah, waxaa isaga iyo dhallinyaro kale ay ku xiranyihiin xabsi ku yaala wadanka Liibiya   halkaasi oo ay ku haystaan dhibaatooyin kala duwan .

Dhalinyaradaan ayaa ka ambabaxay magaalada Nairobi  kaddibna u safray wadanka Suudaan halkaasi oo ay uga sii gudbeen Wadanka Liibiya, iyaga raja  ka qabay inay galaan wadamada reer Yurub, balse dhallinyaradaasi ma  aysan gaarin hankii iyo hiigsigii ay lahaayeen ee ah inay mar un cagaha dhigaan  Wadamada reer  Yurub,  ayagoo taasi badalkeeda ugacan galay kooxo  Magafe.

Related posts

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari

January 18, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

January 18, 2026

Dhallinyarada oo uu ku jiro Axmed Saalax waxa ay hadda ku xiranyihiin  xabsiyo ku yaala wadanka Liibiya, halkaasi kuma haystaan nolol wanaagsan tiiyoo ay usii dheertahay inay la kulmaan jir dil, handaad iyo waxyaabo kale oo la mid ah.

Kooxada burcadda ah ee heysta dhallinta waxa ay ku rabaan in la siiyo lacag madax furasho ah, kuwaasi oo xiriiro kala duwan la soo sameeyay waalidiinta dhalay dhalinta lagu heysto xabsiyada ku yaala Liibiya, lagana dalbaday inay bixiyaan in ka badan shan kun oo doolarka Mareykanka ah.

Hooyo Batuula oo ka mid ah waalidiinta ay carruurtooda gacanta ugu jiraan Magafaha  ayaa  Warbaahinta u sheegtay in  dhallinyarada u xiran uu ku jiro  wiilkeeda  oo mudo  hal sano iyo bar uu ku xiranyahay  Wadanka Liibiya, waxaana ay intaa ku dartay inay la soo xiriireen rag Soomaali ah oo la shaqeeya Kooxda Magafe ee gacanta ku haya dhallinta, kuwaasi oo ka dalbaday inay bixiso lacago madax furasho ah, haddii ay rabto wiilkeeda Axmed Saalax loo sii daayo.

Hooya  Batuulo  oo  mari u ah Murugo iyo uurkutaalo aan ka go’in, tabaysana  wiilkeeda  in mar uun  dib uu u helo  xoriyadiisa  ayaa   baaq u dirtay  cidkasta  oo door  ka gaysan karta  siidaynta  Wiilkeeda iyo dhallinyarada  kale ee ku xiran xabsiyada dalka Liibiya.

Dhageyso Hooyo Batuulo oo ka hadlaysa xaaladda wiilkeeda ku xiran Liibiya

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2017/10/WARAYSI-HOOYO-WIILKEEDA-UU-KA-XERAN-YAHAY.mp3
Previous Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa hambalyo diirran u dirtay hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed kaddib caleemo-saarkii guuleystay ee Madaxweynaha Dawladda...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

January 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay, qaar ka mid ah Odayaasha, Isimmada iyo Cuqaasha...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

January 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

January 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kala qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, munaasabadda caleemo-saarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In