Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hooyo Soomaaliyeed oo codsatay in lagu caawiyo siideynta wiilkeeda oo ku xiran Liibiya “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Dhallinyaro ku xiran dalka Sudan oo laga dayrinayo xaaladda ay ku noolyihiin “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Axmed  Saalax   oo  22 sano jir   waxaa uu ka dhashay  qoys sabool ah, waxaa isaga iyo dhallinyaro kale ay ku xiranyihiin xabsi ku yaala wadanka Liibiya   halkaasi oo ay ku haystaan dhibaatooyin kala duwan .

Dhalinyaradaan ayaa ka ambabaxay magaalada Nairobi  kaddibna u safray wadanka Suudaan halkaasi oo ay uga sii gudbeen Wadanka Liibiya, iyaga raja  ka qabay inay galaan wadamada reer Yurub, balse dhallinyaradaasi ma  aysan gaarin hankii iyo hiigsigii ay lahaayeen ee ah inay mar un cagaha dhigaan  Wadamada reer  Yurub,  ayagoo taasi badalkeeda ugacan galay kooxo  Magafe.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026

Dhallinyarada oo uu ku jiro Axmed Saalax waxa ay hadda ku xiranyihiin  xabsiyo ku yaala wadanka Liibiya, halkaasi kuma haystaan nolol wanaagsan tiiyoo ay usii dheertahay inay la kulmaan jir dil, handaad iyo waxyaabo kale oo la mid ah.

Kooxada burcadda ah ee heysta dhallinta waxa ay ku rabaan in la siiyo lacag madax furasho ah, kuwaasi oo xiriiro kala duwan la soo sameeyay waalidiinta dhalay dhalinta lagu heysto xabsiyada ku yaala Liibiya, lagana dalbaday inay bixiyaan in ka badan shan kun oo doolarka Mareykanka ah.

Hooyo Batuula oo ka mid ah waalidiinta ay carruurtooda gacanta ugu jiraan Magafaha  ayaa  Warbaahinta u sheegtay in  dhallinyarada u xiran uu ku jiro  wiilkeeda  oo mudo  hal sano iyo bar uu ku xiranyahay  Wadanka Liibiya, waxaana ay intaa ku dartay inay la soo xiriireen rag Soomaali ah oo la shaqeeya Kooxda Magafe ee gacanta ku haya dhallinta, kuwaasi oo ka dalbaday inay bixiso lacago madax furasho ah, haddii ay rabto wiilkeeda Axmed Saalax loo sii daayo.

Hooya  Batuulo  oo  mari u ah Murugo iyo uurkutaalo aan ka go’in, tabaysana  wiilkeeda  in mar uun  dib uu u helo  xoriyadiisa  ayaa   baaq u dirtay  cidkasta  oo door  ka gaysan karta  siidaynta  Wiilkeeda iyo dhallinyarada  kale ee ku xiran xabsiyada dalka Liibiya.

Dhageyso Hooyo Batuulo oo ka hadlaysa xaaladda wiilkeeda ku xiran Liibiya

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2017/10/WARAYSI-HOOYO-WIILKEEDA-UU-KA-XERAN-YAHAY.mp3
Previous Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

February 27, 2026
0

Iyadoo la qaadanayo hal-ku-dhigga “Horumarka Soomaaliya”, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa martigeliyay Afur heer...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In