Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 4, 2017
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmihii la soo dhaafey ku maqanaa safaro Dalka dibadiidsa ah ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee Xarunta Kumeel Gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo safaradiisa ku kala bixiyey qaar ka mid ah Wadamada dariska ah sida Kenya iyo Ethiopia ayaa waxaa maanta goroonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo si diiran ugu soo dhaweeyey Wasiiro, Xildhibaanno, odayaal dhaqameed iyo Dadweyne aad u tiro badan oo ka kala socday xaafadaha iyo urarada bulshada, Kuwaas oo muujinayey taageerada ay u hayaan Madahaweynaha Koonfur Galbeed.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan ayaa mid mid u gacan qaaday qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo dadweynihii garoonka ku soo dhaweeyay, waxaana intaasi kadib uu socod lugta ah ku soomaray waddada is kuxirta Madaarka diyaaradaha iyo Aqalka Madaxatooyada, isaga oo ku dhexjira dhamaan dadkii ka qeyb qaadanayey soo dhaweyntiisa, taasi oo muujinaysa nabadgelyada ka jirta deegaanada KG.

Mudane Shariif Xasan ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska gaarka ah ee Dawlad Gobaleedka KG, waxaana uu warbaahinta u sheegay in socdaalkiisa uu ku tegay dalalka dariska ah uu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad.

 

 

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Khartuum “SAWIRRO”

Next Post

Hooyo Soomaaliyeed oo codsatay in lagu caawiyo siideynta wiilkeeda oo ku xiran Liibiya “Dhageyso”

Next Post
Dhallinyaro ku xiran dalka Sudan oo laga dayrinayo xaaladda ay ku noolyihiin “Dhageyso”

Hooyo Soomaaliyeed oo codsatay in lagu caawiyo siideynta wiilkeeda oo ku xiran Liibiya "Dhageyso"

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In