Sunday, June 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hooyo Suldaano Bare, Bulshadu wayday.!!!

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Hooyo Suldaano Bare, Bulshadu wayday.!!!
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hooyo Suldaano Muuse Caddow, waxay ka mid ahayd Macalimiinta Soomaaliyeed ee mudada dheer waqtigooda u huray waxbarista, iyo kobcinta garaadka dadka Soomaaliyeed ee waxbaranaya.

 

Related posts

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

June 14, 2026
Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

June 14, 2026

Halganka Nolosheeda iyo hamiga wayn ay ka laheyd soo saarista Bulsho waxbaratay oo leh maskax nadiif ah ayaa waxaa hor istaagay maleeshiyada Al-Shabaab oo Qarax ku dilay 22-kii Bishaan December, xili ay u socotay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ay ka tirsanayd.

Hooyo Suldaano in ka badan 10-sano ayay ka shaqaynay howlaha Waxbarashada, iyadoo waqtiga uga badan ay ahayd Macalin wax bara Ubadka Soomaaliyeed.

Waxay mudo dheer ka soo shaqaysay oo macalin ay ka ahayd Machadyo kala duwan oo ku yaala magaalooyinka Maka iyo Madiina ee dalka Sacuudiga.

Sidoo kale waxay macalin ka soo noqotay qaar ka mid ah Jaamacadaha ku yaala dalka, sida ay inoo sheegeen dadkii ay aadka isku garanayeen Suldaano Allaha u naxariistee.

2015-kii ayay Suldaano Muuse ku biirtay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo dib loo howlgaliyay 2014-kii.

Waxay haatan sidoo kale la shaqaynaysay wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya sida uu Radio Muqdisho u sheegay saygeeda Eng. Axmed Calasow.

Allaha una xariistee Hooyo Suldaano waxay xilligaan ahayd Madaxa qaybta Tababarrada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalana waxayd ahayd Macalimad dhigta luuqada English-ka.

Suldaano Muuse Caddow da’deeda waxay ahayd 54, sano jir, waxayna ku dhalatay Gobalka Shabeellaha Hoose Sanadka markuu ahaa 1964-tii.

Waxbarashadeeda Hoose, Dhexe iyo Sare waxay ku qaadatay Magaalooyinka Golwayn, Marka iyo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sido kale degree-ga koowaad ee Jaamacadd waxay ka qaadatay Universiti Putra Malaysia (UPM) waxayna ka baxday kulyadda luuqadaha.

Shahaadada master-ka ee heerka labaad ee Jaamacadda waxay ka qaadatay Lincoln University oo ku taala dalka Malaysia, iyadoo baratay cilmiga maaraynta Ganacsiga.

Waxay ahayd Hooyo dhashay Saddex caruur ah, waxaana haatan ay ifka uga tagtay oo kaliya Hal wiil oo ay dhashay iyo labo caruur ah oo uu dhalay.

“Waxay ahayd qof naxariis badan, oo aad uga war haysa dadka ay isku shaqada yihiin duruufaha iyo culaysyada ay dareemayaan, sidoo kale aad ayay ugu fir-fircoonayd shaqada, waxayna ahayd qof aad iyo aad u jecel horumarka iyo isbadalka,” Sidaasi waxaa Radio Muqdisho u sheegay qof ka mid ah dadkii ay isla shaqaynayeen.

W/D Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar

 

 

Previous Post

Ra’iisal wasaaraha dalka oo kormeeray Tiyaatarka Qaranka+Sawirro

Next Post

Sare u kac ku yimid qiimaha lakala siisto Kalluunka “SAWIRRO”

Next Post
Sare u kac ku yimid qiimaha lakala siisto Kalluunka “SAWIRRO”

Sare u kac ku yimid qiimaha lakala siisto Kalluunka "SAWIRRO"

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo si rasmi ah uga bilowday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada Galmudug,...

Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka subaxlaha ee Taliska Guud...

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax Sheekh Axmed Cabdulmanaan, ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Guddoomiyaha...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa caawa hoggaamiyay kulan wacyigelin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In