Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjoogayaal ka tirsan kooxda Shabaab oo loo gesytay duqeyn xagga cirka ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Horjoogayaal ka tirsan kooxda Shabaab oo loo gesytay duqeyn xagga cirka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaaradaha aan cidna wadin ee Drones-ka loo yaqaan ayaa lagu soo waramayaa inay duqeyn u geysteen xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxda Shabaab, halkaasi oo ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Duqeynta ayaa waxaa ay ka dhacday hooy ku yaalla degmada Diinsoor ee gobolka Baay, halkaasi oo ay ku dhinteen tiro ka tirsan horjoogayaasha kooxda Shabaab, isla markaana ay dad deegaanka u diideen in ay wax ka ogaadaan qasaaraha dhabta ah ee kooxdaasi ka soo gaartay duqeynta loo geystay.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Baay Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa ku soo waramay in duqeynta ay ku dhinteen horjoogayaal ka tirsan kooxda Shabaab, isagoo intaa ku daray in dadka deegaanka ay ka cabsadeen inay ka warbixiyaan qasaaraha inta uu la egyahay.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in duqeynta ka dhacday degmada Diinsoor ay sidoo kale ku dhinteen shan qof oo rayid ah.

Sidoo kale weerar kan la mid ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan deegaanka Dugule oo ay ku geeriyoodeen ugi yaraan 45 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.
Goob jooge ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Radio Muqdisho u sheegay in weerarka xagga cirka ah lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen horjoogayaal ka tirsan kooxda Shabaab oo isugu jirta ajaanib iyo kuwa Soomaali ah, waxaana sidoo kale la duqeeyay guryo ay kooxdaasi ku dhuumaaleysanayeen.

Qasaaraha ka dhashay duqeymaha ayaa isa soo taraya, waxaana la rumeysanyahay in weerarka xagga cirka ah uu qasaare lixaadleh u geystay kooxda Shabaab.

Previous Post

Xulka DR Congo oo u Soo Baxay Semi-finalka Koobka Qaramada Afrika “SAWIRRO”

Next Post

Xulka Australia oo Ku Guuleeystay Koobka Qaarada Aasiya “SAWIRRO”

Next Post
Xulka Australia oo Ku Guuleeystay Koobka Qaarada Aasiya “SAWIRRO”

Xulka Australia oo Ku Guuleeystay Koobka Qaarada Aasiya “SAWIRRO”

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In