Saraakiisha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay iney dileen Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab, markii ay howlgallo ka sameeyeen deegaanka Beexaani ee Galbeedka Magaalada Kismaayo.
Saraakiisha Laamaha ammaanka ee maamul Goboleedka Jubbaland oo la hadlayay Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxay intaa ku dareen in Sarkaalkan ka tirsan Al-Shabaab ay Meydkiisa keeneen Isbitaalka weyn ee Kismaayo, si loola wadaago Saxaafadda.
Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa guulo ka gaaray dagaalladii dhacay 24 kii Saac ee lasoo dhaafay, kuwaasoo ay ku dileen Malleeshiyaad badan oo ka mid ah Al-Shabaab,iyagoo kala wareegay degaanno dhowr ah oo hoos taga Kismaayo.