War saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo howl-galka Africom ayaa lagu sheegay in weerar ay ka geysteen Ciidamada wada jira Sh/hoose ay ku dileen xubin ka mid ahaa Al-Shabaab.
Habeenkii xalay oo ay Taariikhdu ahayd 5-ta Maarso, 2020, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa duqeyn Cirka ah la beegsaday Argagaxisada Al-shabaab ee ku sugan nawaaxiga Kuunya barrow ee Soomaaliya.
Weerarkan duqeynta ee laga soo shaqeeyey ayaa lagu dilay Horjooge ka tirsan Argagaxisada Al-shabaab.
Duqeyntan iyo guulahii dhawaan laga gaaray duullaannadii dhulka ayaa tusaale u ah in DFS iyo bah-wadaagteeda Mareykanka ay ku dabajiraan kuwa Argagaxiya Dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.
Hoggaanka Al-shabaab ayaa horay u caddeeyey in weeraradooda ay la beegsanayaan Dowladda Soomaaliya, saaxiibada Geeska Afrika, Dowladda Mareykanka iyo danaha Mareykanka ee Adduunka oo idil.
Hubin ay sameeyeeyn DFS iyo Mareykanka ayaa lagu ogaaday in aysan jirin cid shacab ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymahan xagga Cirka ah ee la qaaday.
Doorka Mareykanka uga aaddan dedaallada caalamiga ah ayay Ciidanka AFRICOM iyo Hay’adaha kala duwan ee Mareykanka ka caawiyaan Dowladda Soomaaliya hawlaha u yaalla ee ay iyadu hormuudka ka tahay oo ku saabsan ka hortagga iyo iska caabinta in Ururrada Argagaxisadu soo abaabulaan kharbudaad ballaaran.
Dadka Soomaaliyeed si wadajir ah ayay uga soo horjeedaan Al-shabaab iyo gabood-fallada ay kula kacaan Shacabka aan wax galabsan, sida lagu sheegay war saxaafadeedka.