Wednesday, November 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo Muqdisho ka furay shirka Iskaashiga garsoorka dalka.

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo Muqdisho ka furay shirka Iskaashiga garsoorka dalka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Qaran ee iskaasshiga arrimaha garsoorka iyo tababarada oo uu manta Muqdisho ka furay Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee dalka, ayaa waxaa ka qeybgalay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka,wasiirka cadaaladda XFS , madaxda garsoorka gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka socda hey’adaha Garsoorka dowladaha xubnaha ka ah dowlada dhaxe.

Shirkaan oo soconaya Muddo afar maalin ah ayaa waxaa xoogga lagu saaraya sidii la isaga kaashan lahaa tababarada iyo wada shaqeynta Hey’adaha Garsoorka iyo Jiheynta Tababarada iyo kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha gasoorka.

Related posts

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

November 5, 2025

Waxaa sido kale lagu gorfeynayaa ansixinta Axdiga Machadka Tababarka Garsoorka Dalka.

Dr Suleymmaan Maxamed Maxamuud Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in in hey’adaha garsoorka dalka ay u diyaarsan yihiin jiheynta iyo siyaasada lagu tababarayo shaqaalaha ka shaqeeya garsoorka dalka.

Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac wasiirka Cadaalada XFS ayaa guul weyn ku tilmaamay shirkaan si tala wadaago laga yeesho adeegyada cadaaladeed ee loo qabanayo Bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo furay Shirka ayaa tilmaamay in ujeedka ugu weyn ee Machadka gasroorka loo aas aasay ay tahay jiheynta tababarada garsoorka dalka.

Mudada uu socdo shirka ayaa waxaa jira dodo ay yeelan doonan dhinacyada ka qeybgalaya waxaana ka mid ah in si rasmi ah loogu dhawaaqo yagleelida machadka tababarka garsoorka Soomaaliyeed oo masuul ka noqon doona tababarida iyo kor u qaadida xirfada garsoorayaasha, xeer ilalaaiyayaasha iyo kaaliyayaasha heer federaal iyo heer maamul goboleed,Cahdiga Machadka Tababarada garsoorka iyo Manhajka Garsoorka dalka.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Uqeybsanaha UNICEF ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen “SAWIRRO”

Next Post
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen “SAWIRRO”

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen "SAWIRRO"

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

November 5, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daahfuray Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada, oo ay...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

November 5, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

November 5, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In