Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjooge Xasan Xaayow iyo in ka badan 40 ka mid ah maleeshiyaadka Khwaarijta oo lagu dilay gobalka Shabeellada hoose

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku dilay Horjooge iyo maleeshiyaad katirsanaa Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa halkoodii ka sii soconaya howlgallada gaarka ah ay sameynayaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka dhibka ku hayo ummadda Soomaaliyeed.

Howlgalladii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay gobolka Shabeellada hoose, Howlgalkii ugu horeeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Tuulo lagu magacaabo “Cabdalla”,halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad uu hoggaaminayay horjooge magaciisu lagu soo koobay “Xasan Xaayow”,.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Howlgalka inta uu socday waxaa lagu dilay Xasan Xaaayow iyo 45 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab oo uu hoggaaminayay.

Intaas ka dib, mid la mid ah howlgalkan ayey ciidanku waxay ka sameeyeen Tuulo lagu magacaabo “Kaliduuf” oo hoostagto deegaanka Jannaale ee gobolka Sh/hoose, halkaas waxaa lagu dilay afar maleeshiyaad ah, kuwaas magacyadooda ay kala yihiin Maxamed Cabduqaadir, Yuusuf Cumar, Mowliid Abaayow iyo Xasan Cali.

Afartan maleeshiyaadka ah ayaa ka tirsanaa mid ka mid ah waxyaabaha ay ugu yeereen ” Jabhadaha”. Jabhaddaas waxaa hoggaamiyo horjooge magaciisa lagu sheegay Maxamed Saalax oo qeyb ka ah horjoogayaasha dhibay shacabka ku nool gobolka Shabeellada hoose.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay sheegeen  in ay wadaan howlgallo gaar ah oo lagu bartilmaameedsanayo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan horjoogayaasha abaabulaya dhibaatooyinka loo geysanayo shacabka, waxay sidoo kale, saraakiishu tilmaameen in ay dar dargelinayaan howlgallada Khawaarijta looga sifeynayo gobolka Shabeellaha hoose iyo guud ahaan Dalka.

Previous Post

Biden: Hanjabaadda Putin ee ku asaabsan adeegsiga hubka Nukliyeerka waa dhab

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo Raashin u qeybiyay Shacabka degmada Ceeldheer

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo Raashin u qeybiyay Shacabka degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka oo Raashin u qeybiyay Shacabka degmada Ceeldheer

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In