Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Saakow

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Horjoogayaal ka tirsanaa Shabaab oo lagu dilay duqeyn
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

In ka badan 12 ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacaday Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ay gacanta ku hayso kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

Duqeynta dhinaca cirka ah waxaa lala beegsaday goob ay ku shirsanaayeen horjoogeyaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo gaarayay 37, iyadoo la xaqiijiyay in tiro ka badan 12 lagu dilay goobta.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Aadan Isaaq Cali ayaa xaqiijiyay in duqeyntan ay ku dhinteen 12 ka mid ah saraakiishii Al-Shabaab ee ku shirsanaa goobta bartilmaameedku ahaa.

Mudane Aadan wuxuu intaas ku daray in dadka duqeynta lagu dilay ay ku jiraan 2 ka tirsan horjoogeyaasha sar sare ee Al-Shabaab, halka kuwa dhaawacmayna uu ka mid yahay  Xasan Yacquub oo ka mid ah horjoogeyaasha kooxda.

Xasan Yacquub waxaa soo gaaray dhaawac halis ah, waxa uuna u dhexeeyaa nolol iyo geeri.

Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleysa saaxiibbadeeda caalamka ayaa dar dar geliyay duqeymaha iyo weerarrada lagula beegsanayo argagixisada Al-Shabaab goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Previous Post

DAAWO:- Madaxweynaha Hirshabeelle oo sheegay in laga Heshiiyay Tabashooyinkii Hirshabeelle ay u qabtay Dowlada Dhexe

Next Post

Shir looga hadlayay tayo dhowrka kalluunka Soomaaliya laga dhoofiyo oo Muqdisho ka dhacay+sawirro

Next Post
Shir looga hadlayay tayo dhowrka kalluunka Soomaaliya laga dhoofiyo oo Muqdisho ka dhacay+sawirro

Shir looga hadlayay tayo dhowrka kalluunka Soomaaliya laga dhoofiyo oo Muqdisho ka dhacay+sawirro

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In