Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Uruurinta lacagaha Baadda ah ee Gobolka Hiiraan oo howlgal lagu dilay

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Uruurinta lacagaha Baadda ah ee Gobolka Hiiraan oo howlgal lagu dilay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

 Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalo ay ka sameeyeen deegaanka Hees oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxa ay ku dileen Horjooge sare oo katirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab, kaasi oo Argagixisada u qaabilsanaa Uruurinta lacagaha baadda ah.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta Qaranka in Horjoogahaan lagu magacaabo Cali Axmed Guure, islamarkaana deegaanka uu ka dhacay Howlgalka lagu dilay uu u dhaxeeyo magaalooyinka Baladweyne iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sida ay soo sheegayaan wariyeyaasheena gobolka Hiiraan dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyey dilka Horjooge Cali Axmed Guure oo sida ay sheegeen ka qaadi jiray lacago baadd ah, taasi oo dhibaato ku aheyd dadka gobolka.

Ciidamada ayaa la wareegay deegaanka Hees oo qiyaastii 35-km u jira a magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, taasi ayaana meesha ka saareysa dhibaatadii Al-shabaab ay ku hayeen shacabka deegaanka Hees.

Hawlgalkan lagu dilay Horjooge Cali Axmed Guure ayaa waxaa iska kaashanayey ciidamada xoogga iyo AMISOM, waxaana sidoo kale lagula wareegay deegaanka Baar Dheere iyo  wadada Afar Irdood oo isku xira magaalooyinka Baladweyne, Maxaas iyo magaalada Buula Burde.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo kala duwan ka wada deegaanno iyo degmooyin kamid ah dalka, kuwaas oo lagu dilay Horjoogayaal muhiim u ahaa Argagixisada Al-shabaab.

Previous Post

Mucaaradka Suuriya oo laga daad gureeyey Bariga magaalada Ghouta

Next Post

Soomaalida kunool Mareykanka oo olole ugu jira wax ka bedelka sharciga socdaalka Dalkaasi

Next Post
Soomaalida kunool Mareykanka oo olole ugu jira wax ka bedelka sharciga socdaalka Dalkaasi

Soomaalida kunool Mareykanka oo olole ugu jira wax ka bedelka sharciga socdaalka Dalkaasi

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In