Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjoogihii jabhadaha Al-shabaab ee Jubbada hoose oo la khaarijiyay

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Horjoogihii jabhadaha Al-shabaab ee Jubbada hoose oo la khaarijiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgal qorsheysan oo ay ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutad 11aad qeybta 43aad ay ka sameeyen aagga deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada hoose ayaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad Al-shabaab ah.

Howgalkan ayaa yimid kadib markii ciidanku ay ka war heleen xog sheegeysa in nabad diidka Alshaabab ay maleegayeen dhagar ay ku dhibaateynayaan dadka ku dhaqan degaano ku dhow deegaanka Baar-sanguuni.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

January 20, 2026

Taliyaha guutada 11aad qeybta 43 ciidanka xooga dalka G/sare Caddoow Maxamed Sahal ayaa idaacadda ciidamada Qalabka sida u sheegay in howgalka lagu khaarijiyay horjooge Cabdi Ibrahim Saleebaan iyo ku xigankiisa, kuwaasi oo ahaa madaxdii  jabhada Alshabaab ee gobolka Jubbada hoose, waxaana sido kale howgalka  lagu dhawacay saddax maleeshiyo.

G/sare Caddoow Maxamed Sahal ayaa intaasi raaciyay in lagu daba jiro firxadka maleeshiyada nabad diidka ee isaga cararay aagga uu howgalku ka dhacay  dibna uu ka bixin doono faah faahfaahinta buuxda ee howgalka.

Previous Post

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabbilay Agaasimaha Hay’adda WFP

Next Post

Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Hirshabeelle oo lagu wado in ay goordhow billaabato

Next Post
Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Hirshabeelle oo lagu wado in ay goordhow billaabato

Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Hirshabeelle oo lagu wado in ay goordhow billaabato

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Afrax, oo ay weheliyaan Agaasimayaal, khubaro...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

January 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa....

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

January 20, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa xarun cusub ka hirgelisay Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika. Munaasabadda oo...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

January 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha Ururka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In