Kooxda Kubada Cagta Dekada ayaa la Ciyaari doonta galabta kulan ku Sameyn ku yeelan kara hanashada horyaalka Soomaaliya oo ay ka hor tagi doonto Kooxda Horseed oo kaalinta Sadexaad kaga jirta,
Labada Kooxod ee Horseed iyo Dekadda ayaa Waxaa u dhexeeya Farqi dhibo gaaraya ilaa iyo afar dhibcood oo ay horeyso Kooxda Dekada oo dooneysa in xili Ciyareedkii labaad oo Isxiga ay ku guuleysato horyaalka Soomaaliya.
Horseed kulankii ugu danbeyay oo ay Ciyaartay Horyaalka Waxay la soo kulantay barbaro waana kii ugu horeyay oo ee afar sano kadib uu leyliyo Cabdi halka kooxda Dekadda kulankeedi ugu danbeyay sidoo kale ay ku soo dhameysatay barbaro ayadoo Horseed aysan ka Faa,ideysan barbaraha Kooxda Dekadda ay la gashay Banaadir hase yeeshe galabta ayeey hortaala Horseed Fursad kale oo hogaanka ay ugu dhawaan karto waa hadii ay adkaato kooxda Dekadda.
Labadaan kooxod ee galabta ku hardamaya garoonka Banaadir waxaa seegi doono xidigo dhowr ah kuwaasi oo ku kala maqnaan doona siyaabo kala duwan, dhanka Dekadda Waxaa ka Maqnaan laba xidig oo ku Maqan Xulka 17-Jirada ee ka qayb qaadanaya Koobka Cecafa oo Semi Final-ka ay u Soo gudbeen.
Waxaa kaloo Dekadda ay weyn doonto Hargaandi oo ah waayo Mudo ka soo Ciyaarayay Horyaalka Iyo C/Laahi Cali Bile kuwaasi oo Seegaya kulanka galabta Dekadda ay ka hor tagi doonto Horseed balse Kooxda waxaa dib ugu soo laabtay xidigo laf-dhabar u ah kooxda Sida Qubaaye oo qadka dhexe ugu Ciyaara ahna mid ka mid ah Xidigaha ugu Wanaagsan Qadka dhexe Horyaalka Soomaaliya Kaasi oo kulankii ugu danbeyay ee Banaadir Kooxdiisa la Ciyaartay ku Maqnaa Jaallooyin Waxaana galabta uu ka hor tagi doono Qubaaye Mashiinka kale ee qadka Xulka Qaranka Xasaasi.
Dhanka Horseed Waxaa ka Maqnaan doono Ismaciil oo Qaranka 17-Jirada Ku Maqan Ma Jro Xidig Kale oo ay Weyn doonto galabta Horseed taasi ayaana ah mida Xiisaha iyo Xamaasada Horyaalka Sare ugu Sii qaadeysa waxaana labadaan kooxod Wata laba Macalin oo Waqti dheer Ku Wada Ciyaaray garoonka galabta lagu Ciyaari doono Waa Cabdi Joon iyo Yuu Cali oo labadaba u soo Ciyaaray Kooxda Elman waqti farxadeed-na ku qaatay gudaha dalka ayagoo Wada Jir ku guuleystay Horyaalka Soomaaliya Xiligodii Kubada Cagta.
Hadaba Cabdi Joon iyo Yuu Cali ayaa waxay wada kulmi doonan Markii Sadexaad Horyaalka Soomaaliya Xili Ciyareedkan ayadoo laba jeer horey ay ugu soo wada kulmeen xiligii Cabdi Joon uu leylinayay Kooxda Elman labada Kulan-na waxaa ay kala qaaten Min Sadex dhibcood oo ay kala adkadeen ayadoo Cabdi Joon Sadexdii Kula nee ugu danbeysay uu ka hortagay Kooxdisii hore ee Dekadda uu laba jeer ka adkaaday kulankii ugu danbeyay ayaa Mid 3-0 ay ku guuldareysatay Kooxda Dekadda waana markii ugu horeysay ee laga adkaado Kooxda Dekadda ku dhawaad 24 Kulan oo aanan laga adkaan Dekadaha.
Dekadda iyo Horseed ayaa ah labada kooxod ee laga dhaliyay Xili Ciyaaredkan Goolasha ugu yar Horyaalka Soomaaliya ayadoo min lix jeer la soo taabtay shabaqooda Sidoo kale waa labada kooxod ee ugu yare ee la kulma guuldaro horyaalka Soomaaliya Xili Ciyareedkan afar iyo toban kulan oo Wada jiray ay Soo Ciyaaren Waxaa laga adkaaday Min hal kulan oo quraa kulankii lugtii hore ay wada Ciyareen labadaan kooxod waxay ku wada heshiiyeen barbaro.
Hadaba Imisa Jeer ayeey kala Adkadeen 8-dii Kula ee u danbeysay oo ay wada Ciyareen Kooxda Horseed ayaa adkaatay laba kulan oo quraa Sideedii kulan ee u danbeysay oo ay la Ciyaartay Dekadda labada kulan oo ay adkaatay kooxda Horseed waxaa Dekadda ka adkaaday mid ka mid Cabdi Joon oo haatan Leylinta Kooxda Horseed dib ugu Soo laabtay afar sano kadib.
Dekadda waxay adkaatay afar jeer sideedii kulan ee u danbeysay oo ay ka hortagto kooxda Ciidanka Xooga ee Horseed hase yeeshe kooxda Dekadda wax guul ah kama gaarin dhigooda Horseed afartii kulan ee ugu danbeysay oo ay la Ciyaartay Kooxda Horseed Sadex waxay wada galeen barbaro halka hal kulan laga adkaaday, Kulankii ugu danbeyay oo Kooxda Dekadda ay ka adkaato Kooxda Horseed waxaa uu ahaa kulan ay wada Ciyareen Maalin Isniin ah 11/01/2016 afar kulan oo xiligaasi wixii ka danbeyay ay wada Ciyareen labadaan kooxod kooxda Dekadda waxay ku guuldareysatay in ay dhinaceeda dhulka ay ka dhigto Kooxda Horseed.